Maxkamada Sare ee dalka Ayaa maanta fasaxday wariye madaxbanaan oo ku xukunnaa xukun 6 bilood ka dibmarkii ay dib u dhageysatay kiiskiisa.

Wariye C/casiis Koronto oo loo heystay dambi ay ku sheegtay dowlada federaalka xadgudub qaran ayaa iminka xoriyadiisa dib loogu soo celiyay waxaana taasi ay ka dambeysay markii qareenada u doodaya wariyahaasi ay go’aan ka qaateen xukunka lagu xukumay.

Maxkamada gobolka banaadir ayaa horay ugu xukuntay wariye Koronto xukun hal sano ah inkastoo maxkamada racfaanka isla gobolkaas ay ka dhintay ka dib markii racfaan laga qaatay xukunkaasi.

Horaantii sanadkan ayay aheyd markii wariyaha loo qabtay wareysi uu la yeeshay haweeney sheegtay in ciidamada dowlada qaar ka mid ahi ay kufsadeen balse ay markii dambe noqotay mid beenowda .

Sikastaba ha ahaatee ugu dambeyntii maxkamada sare oo la horgeeyay kiiskan ayaa dhageysi ka dib fasaxday wariye C/casiis Koronto.

SBC INternational Muqdisho.