Maxkamada Gobolka Banadir oo hoos u dhigtay xukunka wariye Koronto…

Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa siideysay Maanta Haweeney ku xukunneyd xukun halsano ah islamarkaana sheegtay in ay kufsadeen askar ka tirsan ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Waxay Maxkamadu sidoo kale hoos u dhigtay xukun hal sano ah oo uu ku xukunnaa wariye C/casiis Nuur Koronto oo isagu wareysi la yeeshay Haweeneydan ay siideysay Maxkamada.

Hoos u dhigista xukunka wariyaha iyo siideynta Haweeneyda la kufsaday ayaa yimid ka dib markii racfaan laga qaatay kiiskan ay ku cadaatay in aanay dembi laheyn haweeneyda.

Garsoorka maxkamada ayaa ku dhawaaqay in ay fasax tahay Luul Cali Cusmaan balse wariye C.casis Koronto ay maxkamadu hoos u dhigtay 6bilood xukunkii halka sano ahaa ee uu ku xukunna.

saraakikisha gacanta ku hayay kiiska wariyaha ayaa iyagu ka biya diiday xunka wariyaha iyagoona balan qaaday in aanay sidaasi uga hareyn oo maxkamada sare racfaan la tagayaan.

Sikastaba ha ahaatee Haweeneyda la siidaayay iyo wariyaha xukuman ayaa wejiyadooda waxaa laga dheehan karay maanta farxad inkastoo Luul ay ku rajo weyneyn sida loola dhaqmay kuna tilmaantay cadaalad daro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII