Maxkamada Darjada Kowaad ee gobolka Nugaal ayaa manta  xukun dil ah ku riday Nin Lagu Magacaabo  Cismaan Cabdi Gabow oo afartan sano jir ah,kana soo jeeday gobolka shabeelaha hoose

Waxaana lagusoo eedeyey in uu ka Mid Yahay xarakada shabab oo gaystay qarxayo ay dad ku dhinteen isla markaansa uu samayn jiray walxa qaraxa ee Macmilka ah.

ku xigeenka Xeer ilaliyaha guud ee Puntland Maxamed Xareed ayaa edaynta Kiiska ka jeediyey Maxkamada Horteeda waxaana uu  sheegay in ninkani  uu ka tirsanaa allshabaab  isla markaana uu magaaloyinka boosaaso iyo garawe ka gaystay qaraxyo dad ku dhinteen markii la qabanayeyna uu gacanta ku hayey samaynta walxaha qaraxa oo macmal ah .

Dhagaysiga ka dib ayaa Gudoomiyaha Maxkamada Darjada Kowaad C/nuur Jamac Xusen oo isagu Gabi ahaan ka Cududaartay in warbaahinta ka qaado sawiro iyo vedio ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadu ku riday cismaan cabdi gaabow waxaana uu sheegay in maxkamadu kuu xukuntay dil toogasho ah isaga oo intaa ku daray in maxkamada la horkeenay laba makhraanti iyo filin laga duubay cismaan cabadi gaabow oo qiranaya in uu isagu masuul ka ah labo qarax oo ay ku dhinteen shan ruux oo ka dhacay magaaloyinka garawe iyo boosaaso sidaa darteedna uu mutaystay dil toogasho ah .

waxaana uu noqonayaa qofkii labaad oo maxkamada darajada kowaad ee gobolka nugaal ay ku rido xukun dil ah iyada oo bishii horena maxkamadu ay dil ku xukuntay nin lasheegay in ka tirsanaa xarakada shabaab isla markaana magaalada gaalkacyo dilka gaystay oo isla magaalada garawe lagu toogtay.

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe