Maxkamada darajada  koowaad ee danbiyada culus ee dowlada Puntland ayaa maanta xukun ku riday nin dhawaan ciidamada ammaanka ee dagmada Burtinle ee gobolka Nugaal ay kaqabteen kantaroolka magaaladaasi isagoo waday gaari nooca ay Soomaalidu u taqaan waaraadka ah oo ay saarnaayeen hub iyo raashin isugu jira hubkaasi oo gaaraya 29 qori  oo  ah AK 47 kuwaasi oo uu sheegay inuu ka soo qaaday  magaaalda Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug isagoo sheegay eedaysanahaani  in  uu u  waday hubkaani magaalada Buuhoodlee ee xarunta gobalka Cayn.

Eedeesanahaani oo lagu magcaabo Maxamed Cabdi Maxamuud ayaa maxkamadu  ku xukuntay xarig tobanka sano gaaraya iyadoona gaarigii iyo, hubkii iyo alaabtii kale ee saarnayd gaarigaba ay la waereegaty dowlada  Puntland sida uu saxaafada u sheeagy guddoomiyaha  maxkamda danbiyada  culus ee dowlada Puntland Maxamed Xareed Faarax.

Xukunka maxkamada waxaa ku dhawaaqay gadoomiyaha Maxakamada darajada koowaad gaar ahaan laanteeda danbiyada culus Maxamed Xareed Faarax, waxaana gadoomiyaha uuu u cuskaday  xukunkani markii maxakamadu aqrisay qoraalada ku jira  gal-dacwadeedka sida dhabta ah u sheegaya in ninkaani uu hubka u waday ururo lid ku ah jiritaanka dowlada Puntland islamrkaana uu ninkaan xabsiga ka baxsaday dibna loosoo qabtay dadaal xoogan oo ay galeen ciidamada police-ka ee dowlda Puntland , waxana maxkamada sidoo kale ay xukun ku riday 240 kiish oo raashin ah oo uu waday baabuurku xilliga ay ciidamdau  qabteen iyo 29kii qori  eeuu waday baabuurkaasi ay dhammaantood la wareegi doonto dowlda Puntland.

 Dhinaca kale maxkamada ayaa dib u dhigtay xukun isna lagu ridi lahaa eedeesane kale oo lagu magacaabo Saleebaan Barre Axmed oo habeenimadii  xalay ahayd ay ciidadamada ammaan ku ku qabteen  saldhiga galbeed ee magaalda Garoowe isagoo baabuur nuuca  Jeesarka ah oo ah nooca raaxada ee yar yar  kuwatay 3542 rasaasta qoryaha fudfud ah , waxaana maxamada dib u dhiga  xukunkaani ku sababaysay inay samaynayso baaritytaano dheer oo ku saabsan arrintaani  isla markaana uu ka baxsaday gacanta ciidamda eedeesanihii  baabuurka waday,Waxaana ciidamada amaanka Garoowe lafaray in ay gacanta ku soo dhigaan eedeesanaha maqan si maxkamadu go’aan uga gaarto xukunkaan.

Arintaan ayaa ku soo beegmaysa xilli dawladda Puntland welwel weyn ay ka qabto in uu hub u gudbo  kooxaha dagaalada kula jira dowlada  Puntland ee lagu tilmaamo in ay ku suganyihiin buuraha Galgala ee Gobolka Bari, waxaana Puntland hore ujartay wadooyin laga cabsi qabay in ay sahay ka helaan kooxaha uu hor kacayo wadaadka sida wayn uga soo horjeeda dowlada Puntland  Maxamed Siciid Attam oo ay maxkamadu sheegtay in loo malaynayo in uu hubkaaniu socday.

DAAWO SAWIRADA

 

Yusuf Maxamed Maxamuud {(Yuusuf Yare)
SBC International Garoowe