Maxkamada Ciidanka Puntland oo 2 nin ku riday Xukun dil ah Garowe

sh 5
Maxamed Nuur Aadan iyo Cabdirisaaq Xuseen Tahliil ayaa maanta Maxkamada darjada 1aad ee Cidamada qalabka sida ee Puntland ay ku Xukuntaya dilka toogasho ka dib markii la dhageystey dacwada labadan nin oo lagu xiriirinayo in ay maleegayeen Qaraxyo laga fuliyo Puntland.

Labadan nin ayaa laga soo qabtey koonfurta magaalada Gaalkacayo, sadex bolood ka hor,iyadoo lagu soo qabtey Qalabyada lagu fuliyo qaraxyadda oo tiro badan.

Guddomiyaha Maxakada Ciidamadda Axmed Cabdi Bootaan aya ku dhaawqay Xukun nimanka, waxaa uu sheegey in ay racfaan qaadan karaan kuwa la xukumey 30 Maalmood guddahood.

Dhanka kale Maxkamaddu waxey sii deysey Siidow Cali Kable oo ahaa gaadhi gacanle ay soo kireysteen nimanka lagu qabtey qalabka, kaasoo ay maxkamadu sheegey in lagu waayey wax danbiya.

sh 1 sh 3 sh 4

Simiiro C/raxmaan
SBC International Garoowe 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII