Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Puntland oo markale riday Xukuno dil ah.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee gobolada Bari Karkaar Sanaag iyo Heylan ee fadhigeedu yahay magaalada Boosaaso waxaa maanta la soo taagay 3 nin oo dhalinyaro ah kuwas oo ku eedeysnaa sida xeer ilaalintu sheegtay falal ka mid ahaansho xarakada Alshabaab iyo dembiyo la xiriira oo lagu cadeeyay.

Gudoomiyaha Maxkamada ayaa ka dib markii la dhageystay cadeymaha dembiyada ay galeen ragani ku dhawaaqay in lagu xukumay dil toogasho ah .

3da nin ee lagu xukumay dilka ayaa ay sheegtay xeer ilaalintu in ay qiraal kuyihiin dembiyada lagu soo oogay .

Waxa lagu kala magacaabaa nimankan maanta la xukumay sida uu shaaciyay gudoomiyaha, Cali Maxamuud Cilmi oo 19 sanno jir ah
Cabdirisaaq Maxamed Shiikh Axmed oo 18 sanno jir ah
Aadan Maxamed Nuur oo 19 sanno jir ah

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay maxkamadani xukunto rag ku eedeysan gal dacwadeed ceynkan ah waxayna aheyd maalmo ka hor markii ku dhowaad 14 qof ay ku xukuntay maxkamadu xukun dil ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII