Maxkamad darjada 1aad ee magaalada Bosaso ayaa maanta waxaa lahor keenay wariye Faysal Maxamad Xasan Boston oo mudo afr maalmood ah kuxirnaa saldhiga bartamaha ee magaalada Bosaso .

Maxkamada ayaa waxaa Goob joog ka ahaa in badan oo kamid ah Saxafiyiinta Magalada Bosaso Kahawlgala.


Xeer ilaaliye Bashiir Hobaley oo ahaa xeer ilaaliyihii danbiga ku soo ogay wariye Faysal Bostoon ayaa guda galay soo jeedinta dacawada loo haysto wariyha. isgoona sheegay in Faysal uu qoray qoraal lidi ku ah jiritaanka maamulka Puntland  kaasi oo uu ku sheegay in wariyuhu uu qoray warbixin uu  kusheegayo in qaar kamid ah ciidamada amaanka Puntland qoorta laga jaray taasina ay tahay ayuu yiri meel kadhac.

Bashiir hoobaley ayaa eedeynta wariye faysal Bostoon u adeegsaday Qodobada 219 -215 oo uu sheegay in uu mutaystay in qodobadaasi lagu xukumo .

Wariye Feysal Maxamad Xasan Boston

Qareenadii udoodayay wariyaha oo ahaa labo qareen kalana ah Axmed Maxamed Yuusuf Taaraan iyo Maxamed Cabdi Gurey Madoobe  ayaa waxa ay sheegeen in qodobada loo adeegsaday faysal baston ay yihiin kuwo aanu uqalmin waxayna xukunkaasi ku tilmaameen mid aan sharciga waa faqsaneyn .
Qareen Maxamed Cabdi Gurey Madoobe

Intaasi kadib ayaa waxaa xukunka ku dhawaaqay gudoomiyaha maxkamada Bosaso Sheekh Aadan Aw-Axmed sheegayna in faysal boston lagu xukumo hal sano oo xariga.

Dhanka kale wariyaayasha Kahwalgala magaalada Bosaso ayaa si aada u cambaareeyay xukunka sharcidarada ah ee lagu riday wariye Faysal Maxamad Xasan Bostoon .  .
wariye faysal botoon wuxuu noqonayaa wariyihii sadexaad ee xukun maxkamdi kurido intii uu xilka hayey madaxweyne faroole .

Saxafiyinta Boosaaso oo Taagan Banaanka Maxkamada

Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International Boosaaso