Maxkamada darajada koobaad ee magaalada Boosaaso ayaa maanta la horkeenay 13nin oo Soomaali ah 5 nin oo ah naaquudayaasha 5 doonyood oo iiraan laga leeyahay kuwaas oo la soo qabtay iyagoo si sharci daro ah uga kaluumeysanayay xeebaha deegaanada Puntland.

Kooxdan la horkeenay maxkamada ayaa ugu horeyn eedeymahooda soo jeediyay xeer ilaaliyaha gobolka Bari, isagoo sheegay in ragan yihiin 82nin oo Iran u dhashay iyo 12nin oo Soomaali ah kuna eedeynayaan in ay ku xadgudbeen xeerka u degsan Puntland xeebaheeda, dil rag ku dhintay xeebaha oo loo heysto ragan Iiraaniyiinta ah .

Waxay maxkamadu Mid mid u su’aashay Eedeysne yaasha Maxkamada la horkeenay in ay galeen eeda loo heysto oo ay ku jirto dilka 2 qof oo kaluumeysato Reer Puntland ah iyo doontoodii, waxayna guud ahaanba Iraaniyiintan gaashaanka u daruureen eedeynta dilka iyagoona sheegay in mudo ku siman 22cisho ay xeebaha Puntland ku jireen

Maxkamada ayaa markii ay dhageysatay Eedeynta iyo difaaca kooxdaasi iyo qareenkooda iyo sidoo kale eeda xeer ilaalintu soo jeedisay ayaa waxa ay maxkamadu soo jeedisay in dib loo dhigi doono,

gudoomiyaha maxkamada Darajada Koobaad Shekh Aadan Aw Axmed ayaa sheegay in maxkamada dib loo dhigi doono axadan maanta ah Axadeeda kale isagoona ku baaqay in la soo qabto nin ay sheegeen eedeysaneyaasha Soomaalida ah in uu u dhiibay Hubka lagu soo qabtay saarayna doonyaha iiraaniyiintan si ay u ilaaliyaan

Dhageyso Warbixin uu Warkan ka diyaariyay Wariye Maxamed Deeq Cabdalla DHAGEYSO

SAWiro
DSC09655 DSC09658 DSC09672 DSC09676 DSC09685 DSC09688 DSC09706

SBC INternational Boosaaso