Waxaa Maanta maxkamada Darajada Koowaad ee Magaalada Boosaaso la horkeenay eedeysanayaal lagu eedeynaayo inay Ku jireen ka ganacsiga Mukhaadaraadka Khamriga iyo sidoo kale Falal Amaan Daro oo ay geysteen Xaafado ka mid ah Magaalada Boosaaso.

Eedeysanayaasha Maxkamada la horkeenay ayaa waxaa Danbiga loo haysto Maxkamada ka hor akhriyay Xeer ilaaliyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Gobolka Bari Bashiir Hoobaley isaga oo sheegay in kooxdan lagu soo qabtay Khamri, Hub iyo Agab kale.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Gobolka Bari Sheekh Aadan Axmed Maxamed ayaa waxaa uu ku dhawaaqay xukunka Maxkamada ay ka gaartay eedeysanayaasha loo horkeenay Maxkamada Boosaaso

Gudoomiyaha Maxkamada Darjada Koowaad ee G/bari ayaa waxaa uu Afar ka mid ah Eedeysanayaasha ku xukumay oo lagu soo qabtay Khamriga ku xukumay Midkiiba Hal Sanno oo xarig ah iyo Lacag dhan $ 500 oo dollar oo ganaax ah

Maxkamada ayaa sidoo kale xukun ku riday Laban in oo aan Gacanta Ciidamada Ku jirin kuwaasi oo lagu kala Magacaabo Maxamed Canjeex iyo Sharmaarke Maxamed Mire Midkiiba Shan Sanno oo Xarig ah iyo lacag dhan Kun Dollar oo Ganaax ah.

Dhinaca Kale waxaa Maxkamada ay xukuntay Laba qof oo kale oo lagu eedeyay inay ka shaqeynayeen sameynta iyo karinta Khamrigan kuwaasi oo kala ahaa Jimco Cumar Xuseen iyo C/qaadir Isaaq Xuseen waxaana Maxkamadu ku xukuntay Midkiiba Sadex Sanno oo Xarig ah

Gudoomiyah Maxkamada Darajada Koowaad ee Boosaaso Sheekh Aadan Axmed Maxamed ayaa ciidamada amaanka Ku amray inay sida ugu dhaqsaha badan u raadiyaan Eedeysanasha kale ee Ka maqan Gacanta Ciidamada

Mahan Markii ugu horeysay oo Maxkamda Boosaaso ay xukun noocan oo kale ah ku rido Eedeysanayaal loo hayso ka ganacsiga Khamriga iyo Mukhaadraadka Noocyadiisa Kala Duwan

Sawiro




SBC International News Desk