Dr. C/qaasim Salaad Xasan oo ah Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya ayaa isagoo ku sugan magaalada Qaahira ee wadanka Masar waxa uu ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya uu maarayo xilligaan, wuxuuna sheegay inuu isagu aad uga xun yahay isla markaana habeen iyo maalin uu ku dadaalayo sidii dalka Soomaaliya dadkiisa ay uga bixi lahaayeen abaaraha iyo colaada ka taagan dalka.

Waxa uu ka hadlay Dr. C/qaasim Salaad marxalada siyaasadeed ee xligaani ka taagan dalka Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in shaqsiyaadka ka dambeeya colaadaha ka aloolsan dalka Soomaaliya Maxkamad lasoo taagi doono, isagoona carrabka ku dhuftay xukuumadihii Maxamed Siyaad Barre, C/llaahi Yuusuf, isaga qudhiisa iyo dowladihii ka dambeeyay iyo dhammaanba maamulada dalka ka jira.

“Madaxda Dowladda KMG ah waxaan kula talinayaa inay si degdeg ah khilaafkooda u soo afjaraan” ayuu yiri Dr. C/qaasim oo ku booriyay madaxda xukuumadda KMG ah inay khilaafyadooda meel iska dhigaan, isla markaana shacabka ay wakiilka ka yihiin ay dhibaatada ka saaraan.

Madaxweynihii hore Dr. C/qaasim Salaad Xasan ayaa sheegay inuu isagu habeen iyo maalin ay welwel ku heyso xaaladda abaareed ee dalka ka jirta, isagoona sheegay in gaajo iyo macluul darteed ay dadku ugu geeriyoonayaan gobolada dalka, wuxuuna ku baaqay in la gargaaro dadka dhibaateysan.

Dhinaca kale dhinacyada ku dagaalamaya dalka gudihiisa waxa uu Dr. C/qaasim ugu baaqay inay shacabka danyarta ah ka joojiyaan madaafiicda lagu garaacayo, wuxuuna sheegay Madaxweynihii hore ee C/qaasim Salaad in koox kasta maxkamad lagu soo taagayo wixii dembi ah ee ay u geysatay shacabka

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:0025261-5573321
00252699995088