Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo xubno ka tirsan maamulkiisa ayaa maanta socdaal aan horey loo sii shaacin waxay ku tageen magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen madaxda maamulka gobolka, degmada iyo duqeyda dhaqanka ee deegaankaasi.

Madaxweyne Faroole oo xog waran kooban ka bixiyey ujeedada socdaalka kadiska ah ee ku tagey magaalada Qardho ayaa ku tilmaamay in uu u socdo sidii maamulkiisu uga qayb qaadan lahaa arimaha heshiisiinta beelo deegaanka horey dagaalo ugu dhex mareen.

Waxaan u nimmida magaalada Qardhood arimo nabadgalyo darteed, sida laga war hayo xoogaa waxaa ka jira khilaaf  beelaha qaarkood oo mudo soo jiitamayey dilal ay ku saabsanaayeen arinta bilowgeedii hore garteeduna ay dheeraatey, shaley iyo doraadna xoogaa shaki ah kala galey inay soo noqdaan gacan ka hadal arimahaasi darteed kaliya ayaan halkan u nimid” ayuu yiri Faroole.

Madaxweynuhu waxaa kale oo uu sheegay in ay arimahaasi kala kulmi doonaan waxgaradka iyo maamulka deegaanka, isla markaana dawladiisu ay diyaar u tahay in ay qaybteeda ka qaadato xal u helida dhibaatooyinkaasi.

Socdaalka Madaxweyne Faroole uu ku tagey magaalada Qardho ayaa ku soo aadayaa iyadoo deegaankaasi laga hadal hayo in uu dhawaan gaaro General C/laahi Siciid Samatar oo dhawaan sheegay in uu isagu soo tagayo musharaxnimada madaxweynaha Puntland doorashooyinka soo socda.Link-ga hoose ka dhageyso hadalkii Madaxweyne Faroole uu jeediyey markii uu maanta tagey magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.
Halkan Riix