Ka dib markii uu saacado ka hor ku dhawaaqay in uu xilka Ra’isalwasaaraah uu iska casilay Maxamed C/laahi Farmaajo oo xilkaasi hayey mudo ka yar 7 bilood ayaa waxaa soo baxaya warar hoose oo xaqiijinaya sababaha keenay in uu isku casilo, kuwaasi oo lagu sheegay inay saldhig u tahay loolan dhanka awooda ah oo ka aloosan madaxda dalka ugu sareysa kuwaasi oo danta qaranka & tan shacabka ka doorbiday inay ilaashaan awooda si kasta oo ay ku ilaashan karaan ha ahaato inay madaxa hoos ugu fooririyaan hadii uu la hadlo taliye, safiir ama sarkaal askari ah oo u dhashay wadamada lagu tilmaamo safka hore ama kuwa daneeya arimaha Soomaaliya.

Iscasilaada Maxamed Farmaajo uu ku dhawaaqay maanta waxay aheyd mid ka dhalatey cadaadis aan loo kala harin oo la saarey in uu meesha isaga baxo taasi oo aan la ogeyn ujeedada rasmiga ah ee laga leeyahay balse u muuqanaysa in wax aan la dooneyn uu ku dhaqaaqay.

Xilka in uu iska casilo Farmaajo wuxuu ku aqbaley kulankii ka dhacay magaalada Kampala gaar ahaan kulan xasaasi ahaa oo dhexmarey isaga (Farmaajo, Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed & Madaxweynaha Ugandha, isagoo xiligaasi ku tilmaamay in hadii danta shacabka & tan dalka ay ku jirto uu iska casiliyo taasi oo aheyd go’aan isagu uu gaarey oo aan lagu saarin cadaadis balse uu u muujiyey tanaasul dhanka siyaasada ah.

Ilo wareed oo lagu kalsoonyahay ayaa u sheegay SBC in xiligaasi Farmaajo uu dareemay khilaafka baaxada weyn ee u dhexeeyey isaga & gudoomiyaha baarlamanka, isla markaana wadaxaajoodkii Kampala uu keenay inuu isfaham dhexmaro Madaxweynaha & Gudoomiyaha Baarlamanka, isfahamkaasi oo salkiisu ahaa ka dib markii gudoomiyaha Baalramanka uu ku adkeystey in meesha uu ka baxo Farmaajo isla markaana hadii uu sii joogayo ay tahay in uu si isku mid ah uga dambeeyo Gudoomiyaha & madaxweynaha arinkaasi oo ahaa in wasiirada la soo magacaabayo ay noqdaan kuwa si le’eg ay u soo wada magacaabaan Madaxweynaha & gudoomiyaha Baarlamanka.

Laakiin hindisahaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ka biyo diiday Maxamed C/laahi Farmaajo in uu la shaqeeyo Shariif Xasan Sheekh Aadan isla markaana uu garhayaan ka noqdo xukuumada uu dacalka haysto Shariif Xasan Sheekh Aadan, arinkaasi oo uu ka doorbiday in uu xilka iska casilo taasi oo uu si buuxda ugu qancay.

Maxaa badaley FarmaajoHeshiiskaasi markii la wada saxiixay waxaa qarxay dibadbaxyo waa weyn oo ka bilowday magaalada Muqdisho kuwaasi oo ku fidey dalka & dibada, waxaana si weyn shacabka Soomaaliyeed uu si buuxda uga soo horjeestey heshiiskaasi iyagoo ku tilmaamay mid dhabarka ka jabiyey himiladii shacabka Soomaaliyeed & waxqabadkii dawlada uu hogaamiyaha ka ahaa Maxamed Farmaajo.

 

Dibadbaxyadaasi waxay yaab ku noqdeen labada Shariif oo aad ula fajacay rabitaanka shacabka ay u qabaan Maxamed C/laahi Farmaajo waxaana taasi ay u arkeen loolan cusub oo soo food saarey, sidoo kale Farmaajo qudhiisa ayaa si aan la fileyn ula yaabay taageerada uu ka helay shacabka Soomaaliyeed, waxaana talooyin uu ka helay dad badan iyo taageeradaasi loo muujiyey markii uu Muqdisho dib ugu soo laabtey uu go’aansadey in uu xilka aanu iska casilin oo uu ku adkeysto in baarlamanka la horgeeyo oo uu ka doodo heshiiskii Kampala.

Labada Shariif oo xaalad adag soo foodsaartey

Labada Shariif oo mudo saaxiib siyaasada ahaa balse khilaaf ku saleysnaa awooda dawlada uu soo kala dhexgaley 7 bilood ka hor waxay arkeen in mowjadu biyo ah ay ku soo furmeen oo ay halis ku jirto wixii masuuliyad & magac ahaa ee ay lahaayeen, iyagoo meel iska dhigay wixii u dhaxeeyey go’aana ku gaarey in meesha laga saaro Farmaajo walibana shacabka banaanbaxaya loo adeegsado awood & xod xodasho hoose oo waliba hadii qabiil loo badali karo laga dhigo.

 

Madaxweyne Shariif shaqo xoogan ayuu ka qabtey gudaha wadanka, shir jaraa’id oo uu qabtey wuxuu go’aamiyey in aan wax banaabax la isugu imaan karin, shir jaraa’id oo uu qabtey 12-kii June wuxuu ku sheegay in dadka banaanbaxaya ay yihin dad lacago la soo siiyey oo ay ka dambeeyaan dad dano gaar ah leh.Halkan ka akhri hadalkii Sheekh Shariif

Todobaadkan horaantiisii Maxamed C/laahi Farmaajo wuxuu ka bilaabay magaalada Muqdisho qoob ka ciyaar siyaasadeed isagoo la soo baxay siyaasad uu baarlamanka beerlaxawsi ku sameystey isagoo 15-kii bishan kulan uu la yeeshay 100 xildhibaan raali galin ka siiyey wixii khaladaad ah oo ay ka tirsanayaan, waxaana taasi loo fasirtey in uu isaga yareeyo culeyska ka soo food saari kara baarlamanka hadii la damaco in la horgeeyo xukuumada uu hogaamiyo.Halkan ka akhri war SBC ka qortey raali galintii uu bixiyey Farmaajo

Dhaqdhaqaaqyadaasi siyaasadeed uu bilaabay Farmaajo waxay caqabad ku noqdeen siyaasadii & heshiiskii labada Shariif waxaana la soo gudboonaatey talo ah inay u qaylo dhaansadaan madaxweynaha Ugandha Yuweri Museveni oo 100% taageero aan la ogeyn ujeedkeeda u haya Madaxweyne Shariif, waxaa kaloo labada Shariif dhibaato ku noqotey imaansho la’aanta magaalada Muqdisho Shariif Xasan oo amaankiisa la sheegay inaan la damaanad qaadi karin, hadalkaasi oo sida ilo diblumaasiyadeed inoo xaqiijiyeen uu ku wargaliyey Shariif Xasan Taliyihii hore ee ciidamada Ugandha ahna taliyaha guud ee ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho Maj. General Nathan Mugisha, isagoo Gudoomiyaha baarlamanka u sheegay in uu kacdoonka shacabka ee Muqdisho wax kasta laga filan karo isla markaana dad shacab ah oo banaanbaxaya aanay ciidamada AMISOM wax talaabo ah ka qaadi karin.

Yuweri Museveni oo toos xaalada u soo faragaliyey.

Wargeys ka soo baxa wadanka Ugandha ayaa dhawaan qorey warbixin uu ku sheegay in madaxweynaha Ugandha Yuweri Museveni uu ku tagey magaalada Muqdisho socdaal qarsoodi ah, isagoo wargeysku warkaasi ka helay ilo wareed oo ku dhaw xarunta madaxtooyada Ugandha. Halkan ka akhri warbixin SBC ka qortey warkan

Hadbaa dadak siyaasada faaqida waxay sheegayaan in socdaalkaasi Madaxweynaha Ugandha ay ka soo baxeen dhawr arimood oo muhiim weyn lahaa kuwaasi oo ahaa in ciidamada Ugandha aanay ka niyad jabin khilaafka ka dhex aloosan madaxda dawlada ay ilaalada ka hayaan, in aanay ka qaadin sidoo kale niyad jab dhimashadii ka soo gaartey dagaaladii ugu dambeeyey ee Muqdisho ka dhacay oo askarta ku dhimatey uu ka mid taliye sare & in la badalo taliyaha ciidamada Ugandha ahna taliyaha AMISOM ee Soomaaliya.

Sababta loo badalay Major General Nathan MugishaTaliyaha ciidamada Ugandha ee ku sugan Muqdisho ahna taliyaha guud ee AMISOM Major General Nathan Mugisha waxaa si deg deg ah xilka looga xayoobiyey sadex  arimood oo ay ugu weyn tahay

 

In uu Shariif Xasan u sheegay in amaankiisa aanu damaanad qaadi karin xiligan oo uu socdo Kacdoon Shacab.

Xiriir hoose oo uu lalahaa Maxamed C/laahi Farmaajo kaasi oo wararku sheegayaa in uu gaarey heer uu Taliyuhu Ra’isalwasaarihii hore xabad u garaaco una sheego in uu aad u taageerayo in uu xilka sii hayo oo Baarlamanka la horgeeyo aayaha kursigiisa.

Madaxweyne Shariif oo ashtako ka gudbiyey Major General Nathan Mugisha una sheegay Madaxweyne Museveni in dhaqdhaqaaqa siyaasada ah & xiriirka Farmaajo & Taliyaha uu halis ku yahay heshiiskii Kampala.

Intaasi ka dib madaxweynaha Ugandha wuxuu deg deg ah xilkii uga qaaday taliye Nathan Mugisha waxaana uu soo magacaabay taliye cusub oo lagu magacaabo Gen Fred Mugisha isagoo loo sheegay inuu si buuxda ula shaqeeyo Madaxweynaha & Gudoomiyaha Baarlamanka.

Imaanshihii Muqdisho Jen. Aronda Niyakrima

Saraakiil sar sare oo uu hogaaminayey Taliyaha guud ee ciidamada Ugandha Jen. Aronda Niyakrima ayaa magaalada Muqdisho yimid waxaana kulankii ugu horeeyey uu la yeeshay Maxamed C/laahi Farmaajo, sida ilo xog ogaal ah SBC u xaqiijiyeen wuxuu u dhiibay waraaq la sheegay inay ka timid Madaxweynaha Ugandha Yuweri Museveni, lamase oga ilaa iyo hada waxa waraaqdaasi ku qoran.

 Kulanka Farmaajo & Jen. Niyakrima oo ka dhacay xafiiska Ra’isalwasaarihii hore wuxuu ku soo dhamaaday fara isku taag taag iyo is mari waa ka dib markii Jeneraalku uu ku wargaliyey Farmaajo in uu deg deg isku casilo, hadii kale aanay amnigiisa damaanad qaadi karin ciidamada AMISOM.

Wararka ayaa sheegaya in Farmaajo uu u sheegay Jen. Aronda Niyakrima in ay ciidamada AMISOM u siman yihiin Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamanka & Ra’isalwasaaraha amaankooda, isla markaana hadii aanay taasi jirin uu isagu isku halynaayo ciidamada Soomaaliya oo amaankiisa sugaya.

Ilo wargal ah ayaa sheegaya in Jen. Aronda Niyakrima uu si aad u kulul ula hadley Farmaajo isla markaana uu ku wargaliyey in uu 3 maalmood uu haysto oo ah in uu isku casilo, taasi oo keentey in Farmaajo uu ku wargaliyo Jen. Aronda Niyakrima in uu xafiiskiisa deg deg uga baxo taasi oo keentey in uu taliyuhu hadalkaasi aad uga caroodu uuna toos ugu galay xafiiska Madaxweynaha halkaasi uu kula qaatey kulan alabaadu u xiran yihiin Sheekh Shariif.

Ka dib kulankaasi waxaa kulan kale uu dhexmarey saaka Madaxweynaha & Ra’isalwasaaraha kulankaasi oo keenay in uu aqbalo in uu iska casilo xilka Maxamed C/laahi Farmaajo.

Maxaa ka jira in Lacag la gudoonsiiyey Farmaajo

Ilo wareed oo aan si buuxda shaaca looga qaadin ayaa sheegaya in Ra’isalwasaare Farmaajo uu ku qanciyey Madaxweynuhu in uu qaato 1 milyan oo lacag ah taasi oo lagu sheegay in uu isaga bixiyo deymanka lagu leeyahay & sagootis, waxaa ilo wareedku sheegayaan in ay jirto lacag kale oo ka badan 1 milyan oo wadamada daneeya Soomaaliya ay u balanqaadeen Ra’isalwasaare Farmaajo hadii uu xilka iska casilo.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka KMG Soomaaliya oo codsadey inaan magaciisa la sheegin sababo uu ku macneeyey xasaasiyada warkan uu leeyahay ayaa u sheegay SBC in Farmaajo lagu qanciyey mar hadii sheekadu amaankiisa halis uu gali karo oo si sharaf daro ah xilka looga qaado in uu qaato lacagta la siiyey isla markaana uu xilka isaga dego isagoo raali ah.

Shariif Xasan oo Muqdisho la tagey Nus Milyan doolar

Gudoomiyaha baarlamanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo aad u faraxsan isla markaana boorso lacag ah jiidaya ayaa maanta ka degay magaalada Muqdisho isagoo loo sheegay in Muqdisho caradii ka jirtey ay wiiqantay mucaaradnimadii taagneyd ay meesha ka baxdey oo dadkii banaanbaxayey caga jugleyn & siyaasado qarsoon lagu kala direy, oo ay xaajadu gacanta u soo gashay oo ay ugu soo laabatey labada Shariif.

 

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com