Wariye Axmed Xasan Cawke & Bishaaro Baando oo ka mid ahaa shaqaalaha ka hawlgala Telefishinka Universal  ee xaruntiisu tahay magaalada London ayaa la sheegay in shaqadii wareyenimo ee Tv-gaasi laga eryey, ka dib markii sida la sheegay Barnaamij ay siidayeen ay ku dureen dawlada & dalka Jibuuti.

Barnaamij gaar ah oo ku saabsanaa Munaasabada Ciida oo lagu wareysanayey Wariye Cawke ayuu wuxuu kaga hadley arimo badan oo ay ka mid tahay wadanka Jibuuti, isagoo barnaamijka ka sheegay in dalka Jibuuti oo uu booqdey sanadkii hore waxyaabaha uu ka xusuusto ay ka mid tahay Kuley, Koronto la’aan & Kaneeco, isagoo sidoo kale ku tilmaamay dakda reer Jibuuti ku caro badan.

Sidoo kale Axmed Xasan Cawke wuxuu ka hadley ku dhaqanka Kitaabka Qur’aanka Kariimka ee dalka Jibuuti wuxuuna yiri “Waxbaad arkeysaa, yacni ka soo qaad wax ka weyni ma jiro Kitaabka ILAAHAY ee dee uu inoo soo rogey meel baa la dhigayaa, waa la iska dhaafayaa, maalinta wax dhacaan ayaa la oronayaa kibaabkii horta mee”.

 

Warar aan si buuxda loo sheegin ayaa tilmaamaya in mulkiilaha Tv-gaasi Axmed Abuukar oo gacansaar la leh dawlada Jibuuti uu aad uga caroodey arintaasi uuna u fahmay mid lagu xagal daacinayo xiriirka Universal & dawlada Jibuuti, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in masuuliyiin ka tirsan dawlada Jibuuti ay arintaasi kala hadleen maamulka telefishinkaasi balse ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka dawlada Jibuuti.

Si kastaba ha ahaatee waxaa aad loola yaabay sababta Universal ay caan ugu noqotey inay ka joojiso shaqada wariyeyaasha iyadoo ku qancinaysa maamulada Soomaalida, kal hore ayey aheyd markii sidan oo kale shaqadii looga eryey wariye C/qaadir Nadaara oo daadihinayey barnaamij dood ah oo oo ganacsade Xoosh oo ku duray haweenka Somaliland, taasi oo keentey in ay arinkaasi si weyn uga caroodeen shacabka maamulka la magac baxay Somaliland.

Hadaba barnaamijkaasi halkan ka daawo.HALKAN RIIX

Yaasiin Faradheere
SBC Stockholm
yaasinfadheere@hotmail.com