Maxamed Cabdi Waare ayaa ku Guuleystay Doorashada Madaxweynaha Hir-shabelle, Oo Ilaa saaka ka socotay Magaaladda Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

97 Xildhibaan ayaa codeeyay, Mana jirin wax coda oo xumaaday wareega sadexaad ee kama danbeysta ahaa.

Ugu Danbeyna Gudiga Doorashada iyo Gudoomiyaha baarlamanka ayaa shaaciyay in Daahir Cabdulle Cawaale uu Heley 23 Cod Halka Maxamed Cabdi waare uu heley 74 Cod,

Ugu Danbeyna Maxamed Waare ayaa sidaas ku noqday Madaxweynaha Maamulka Hir-shabelle ee Sadexda sano ee soo socota,

Waare Waa Ninkii uu ka guleystay Ali A. Osoble Doorashadii Hore ee dhacday 16 October 2016, waxaanu xiligaasi heley 36 cod.