Maxkamadda racfaanka ee gobolka Bari ayaa amar ku bixisey in lasoo xiro Wariyaha VOA ee Boosaso Faadumo Yaasiin Jaamac iyo Wariye Yuusuf Maxamuud Yuusuf oo isaguna ka tirsan Idaacadda SBC.

Sababta waxaa lagu sheegay in labada wariye aflagaado iyo caga-jugleyn u geysteen garsooreyaal ka tirsan maxkamadda racfaanka.

Warqad kaso baxdey maxkamadda racfaanka ee gobolka Bari Sheekh Axmed Cali Axmed oo ku socotey taliyaha saldhigga dhexe ee booliska Bari ayaa lagu amrey in labadaas wariye lasoo xiro.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari Cabdixakiim Xuseen ayaa diidey amarka maxkamadda isagoo faray ciidamada booliska inaysan xiri karin labadaas wariye.

Hoos Ka Akhri Warqadda Lagu Amray in la xirro labada wariye.

xarig