Mid ka mid ah dadkii ugu magaca dheeraa aduunka, isla markaana ka mid ahaa hogaamiyihii ugu caansanaa Col.Muammar Gaddafi ayaa si arxan daran oo sharaf daro huwan ugu dhintey halkii uu ku dhashay 69 sano ka hor.

Geerida Col. Qadaafi waxay dunida 24-kii saac ee la soo dhaafay ka aheyd hadalk hayntii ugu baalaarneyd iyadoo dilkiisu uu jawi cusub ku soo kordhin doono xaalada Liibiya oo qas iyo jahwareer ka aloosnaa 8-dii bilood ee la soo dhaafay.

Qadaafi wuxuu ka doortey in uu si nabad ah iskaga wareejiyo  xukunkii uu ku dheganaa 42 sano ee la soo dhaafay , wuxuuna ka doortey in uu ku dhinto oo sida maanta dhacdey god laga soo qabto.

Macangagnimada & kaligiis taliyenimadiisa ayaa horseeday in Yey arxan daran oo aan diin iyo qaanuunka kale ee caalamiga ah midna ku dhaqmeyn ay si naxariis daro ah u toogtaan.

Hadaba sidee u dhacay dilka Col. Qadaafi

Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxa qaabkii uu u dhacay dilka Col. Qadaafi hase yeeshee ilo wareed oo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Qadaafi la qabtey isagoo nool oo qaba dhaawac yar oo lugta bidix ka soo gaarey, balse markii dambe uu diley mid ka mid ah askartii qabatey.

Dilka Qadaafi wuxuu dhacay wax yar uun ka dib markii laga awood badiyey xoogagii difaacayey isla markaana lagaga awood roonaadey dagaalo lagu riiqdey oo todobaadyo ka aloosnaa magaalada Sirta.

Col. Qadaafi oo ay galbanayaan kolonyo gaadiid ah ayaa isku dayey inay ka baxsadaan magaalada Sirta  oo uu ka dagaalamayey todobaadyadii la soo dhaafay.

Waaberigii Khamiista ee shaley waxaa la jabiyey ciidamadii daacada u ahaa Col. Qadaafi oo u badnaa qabiilkiisa iyo kooxo calooshood u shaqeystayaal ah oo u kala dhashay wadamada Afrika, waxaa loo soo jirsadey in ka yar 3 KM halkii uu ku sugnaa, waxaa la joogay laba wiil oo uu dhaley oo kala ahaa Saif Al –Islam & Mutassim, afhayeenkiisa Musa Ibrahim, wasiirkiisii difaaca Abu Bakr Younus & xubno kale.

Dad ku dhaw dhaw dagaalhayanka daacada u ah Col. Qadaafi waxay sheegeen in shaley khamiistii 8:30-kii subaxbnimo Qadaafi lagu qasbay in uu ka baxo gurigii uu ku sugnaa isla markaana loo sheegay in magaalada Sirta inteeda badan inay u gacan gashay mucaaradka, waxaa lagu qaaday kolonyo gaadiid ah iyadoo la isku dayey in ay ka baxsadaan magaalada, laakiin taasi waxay aheyd calaamad muujinaysa qibrad yarida dagaal ee saraakiisha Col. Qadaafi difaacaysa waayo gawaarida lagu qaaday oo ahaa kuwa fara badan oo hadana wada cusub kana duwan kuwa ay adeegsanayana kooxaha mucaaradka ayaa u sahashay xulufada NATO inay beegsadaan kolonyada gaadiid ee Qadaafi galbinaysay.

8:40 daqiiqo kolonyadiio galbinaysay Qadaafi oo ku socdey wadada u baxda dhanka Bani Walid oo hawada sare laga beegsaneyey ayaa lala helay gantaalo ay soo rideen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka, Faransiiska & Ingiriiska, waxaa jira warar isa soo taraya oo sheegaya in Gantaal ay soo ridey diyaarad nooca duuliye la’aanta ah oo laga hayey markab dagaal oo Mareykanku leeyahay oo fadhiyey xeebta Sirta in uu ku dhacay kolonyada qadaafi.

Duqeyntaasi waxay kala firdhisey oo ay khasaare baaxad leh gaarsiiyey kolonyadii Qadaafi la socdey waxaana la sheegay in baabuurkii uu la socdey Qadaafi in uu ku dhacay gantaal, waxaana halkaasi ku dhintey Abu Bakr Younus, waxaa dhaawac lugaha ka soo gaaray duqeyntaasi Col. Qadaafi sidoo kale dhaawacyo firir ayaa madaxa ka soo gaaray.

Weerarkaasi waxaa kaloo ku dhaawacmey  wiilkii Qadaafi Mutasim oo ay gacanta ku dhigeen mucaaradka iyagoo mar dambe diley waliba saacado badan markii ay hayeen.

Col. Qadaafi oo ay la socdaan shan nin oo kaliya oo ka mid ahaa ilaaladiisa ayaa baabuurta ka baxsadey waxaana ay ka carareen laamiga, balse dhaawaca uu qabey ayaan u suurtagalin karin in uu sameeyo orod dheer iyadoo dusha sare ay ka guuxayaan diyaarado dagaal.

Ilaaladii Qadaafi waxay go’aansadeen inay qariyaan, maadama ay soo daba socdeen kooxaha mucaaradka oo lagu soo wargaliyey baxsashada Qadaafi taasi oo u muuqatey hagitaan ka yimid dhanka ciidamada NATO.

Col. Qadaafi oo dhaawacii qaba gacanta ku sita baastoolad dahab ka sameysan ayaa lagu qariyey god ama biyo mareen buundada laamiga hoostiisa ah, iyadoo ay la joogaan oo kaliya 5-tii ee ilaalada ahaa waxaase isla goobtii markiiba yimid kooxaha mucaaradka oo ku dhaqaaqay baaris gawaaridii la burburiyey iyagoo haystey xogta ah in Qadaafi uu la socdo gawaarida.

Nin ka mid ah ilaaladii Qadaafi ayaa sheegay in ay isku qilaafeen habkii loo qarin lahaa odayga oo dhaawac ah, waxaase talo faraha ka baxdey markii godkii ay dul yimaadeen kooxaha mucaaradka oo aan laheyn hogaan ciidan iyo hab dhaqan military, waxaana ninkaasi uu si buuxda ugu wargaliyey mucaaradka in Qadaafi uu ku dhuumanayo godka buundada hoosteeda ah  isagoo ku qayliyey hadalo ay ka mid ahaayeen “Waa kan hogaamiyihii, halkan ayuu jogaa, waa kan waa kan, Qadaafi halkan ayuu ku jiraa, waana dhaawac” hadalada ninkaasi uu ku qaylinayey ayaa loo fasirtey in uu ku doonayey in ku amaan galo oo aanay dilin maleeshiyada maryo calasta Mucaaradka oo aan xeer iyo nidaam midna laheyn oo aan waxba ka aqoon qaanuunka dagaalada iyo xeerarka maxaabiista.

Sadex ka mid aheyd afartii nin kale ee difaacaysay Qadaafi ayaa isla goobtii lagu diley labana nolol ayaa lagu qabtey lamana xaalkoodu meel u ku dambeeyey.

 Dr Abdul Rauf Mohammad oo ka mid ahaa dhakhaatiirta kooxaha mucaaradka ayaa sheegay in ciidamadoodu ay baacsanayeen koloyada Qadaafi oo laba jiho u kala socdey kuwa wadada laamiga ku socdey oo Qadaafi uu saarnaa iyo kuwa wadada dhinaceeda socdey.

Arimaha la aaminsan yahay in Qadaafi si fudud loo fahmo gaariga uu saarnaa ayaa ah isagoo adeegsadey in uu raaco baabuur gaar uu u leeyahay oo ah nooca xabadu aanay karin oo lagu farsameyey wadanka Faransiiska kaasi oo ah ku xiran yihiin qalab dhanka Isgaarsiinta ah oo ay dhici karto in laga helay warqabadka hawada sare gaar ahaan isgaarsiinta High Frequency (HF).

Daqiiqadihii ugu dambeeyey Nolasha Qadaafi

Col. Qadaafi markii gacanta lagu dhigey miyirkiisu taam ayuu ahaa sida uu sheegay Musafa oo ka mid ahaa dagaalyahanka mucaaradka wuxuu qabey dhar tuute kafee ah markii la qabtey oo ay ku soo xoomeen maleeshiyaadku wuxuu isku dayey in uu la hadlo laakiin buuqa iyo saxmada nidaam la’aanta ah ee ay ku dhaqmayeen kooxdii qabatey ayaa meesha ka saartey in hadalkiisa la maqlo laakiin erayadii uu ku calaalay ayaa waxaa ka mid ahaa “Ha I dilina, xabada iga daaya, fadlan ha i dilina, maxaan idiin dhimay anigu, maxaan idinka haleeyey” iyo ereyo kale.

Ma jirin taliye ama hogaan ciidan oo la socdey maleeshiyaadka waxaa durbadiiba lagu bilaabay in marba dhan loo turaantureeyo, baabuur xagiisa hore ayaa dhabarka loo saaray, kooxda qabatey way la’a ahaan waydey 69 jirkii 42-da xukunka adag ku hayey Liibiya in uu gacanta u soo gali karo wiilal aan wax qibrad ah u laheyn nidaam ciidan, kuwaasi oo iskaba daa inay siteen tuutee dacas iyo kaba sandal ah xirnaa oo ay u sii dheertahay cimaamado iyo go’yaal.

Nin ka mid ahaa kooxdii qabatey ayaa xabad baastoolad kilida dhanka bixid kaga dhuftey Qadaafi mid kale ayaa u sii raaciyey oo xabadka ka toogtey, sidaasi ayuuna ku dhintey.

Ninkii xabadii ugu horeysey ku dhuftey Qadaafi waxaa lagu sheegay Maxamed Al Bibi oo ah wiil 18 sano jir ah oo kooxaha mucaaradka dhexdooda loogu yeeray geesi, wuxuu ahaa ninkii ka soo saarey Qadaafi godka, isla markaana gacanta kaga dhigey Bistooladiisii dahabka aheyd.

12:30 daqiiqo xiliga waqooyiga Afrika ayaa si rasmi ah loo toogtey Col. Qadaafi dilkiisuna wuxuu calaamad u noqonayaa macangag, kaligii taliye & xukun jecle kasta oo ka soo horjeesta in uu si nabad ah xilka uga dego, isla markaana uu ka doorbido in uu shacabkiisa qoriga kula soo jeesto.

Dilka Qadaafi wuxuu calaamad su’aal saari doonaa mustaqbalka Liibiya maadama dalkaasi uu yahay dal qabaa’ilku ku xoogan yahay, isla markaana hubkii uu gacanta ugu jiro dadka shacabka ah, tiiyoo dhaqanka baadiyaha & qabiilku uu ka xoog badan yahay awooda ama nidaam kasta oo dawladeed dalka Liibiya.

Sidoo kale waxay calaamad su’aal saaran tahay in la dilo qof maxbuus ah oo dagaal lagu qabtey iyo raadka ay ku yeelan doonto aayaha kooxaha mucaaradka ee Qadaafi afka ciida u darey, iyadoo aaanu shaki ku jirin in wixii xiligan ka dambeeya reer Galbeedku u soo jeesan doonaan sidii ay isaga horkeeni lahaayeen kooxaha mucaaradka oo ah mushakal isku qasan oo ay ku dhex jiraan kooxo diimeed oo aanay reer Galbeedku jecleyn isla markaana laga urinayo Al-Qaacida iyo waxa loogu yeero asal raaca, kuwaasi oo uu ka mid yahay hogaamiyaha ciidamada mucaaradka ee lagu magacaabo Abdel Hakim Belhaj ninkaasi oo madax u ahaa kooxdii Islaamiga aheyd ee Liibiya laga aasaasay 1995-kii.

Abdel Hakim Belhaj oo ka soo qayb qaatey dagaaladii Afgaanistaan ee lagaga soo horjeeday Midowgii Soofiyeeti sanadkii 2004-tii ayaa lagu qabtey garoonka diyaaradaha ee magaalada Bankook dalka Thailand isagoo ay la socotey xaaskiisa oo uur laheyd, waxaa loo dhiibay CIA-da wuxuu ku sheegay wareysi uu bixiyey ku sheegay in si xun loogu ciqaabay xabsiyada mudadii la hayey intii Col. Qadaafi aanu cafin sanadkii 2008-dii.

Todobo sano ayaa lagu hayey xabsiga Abu Salim halkaasi oo uu sheegay in si xun oo bini’aadamtinimada ka baxsan loola dhaqmay.

Qadaafi xagee lagu aasay ?

Meydkii Col. Qadaafi waxaa la geeyey magaalada Misarat waxaana la qorsheeyey in lagu aasay duleedka magaaladaasi halkaasi oo ay ku baa’abeen kooxaha mucaaradka ka dib markii xoogagii Qadaafi difaacayey ay halkaasi mudo bil ah ku sugnaayeen oo laga saari waayey.

In goobtaasi lagu aaso Qadaafi ayaa lagu macneeyey in lagu muujiyo guul taarikhi ah, waxaa lagu sheegay in dhiiga shuhadada aanu qasaarin, sida hadalka loo dhigay.
 

 Halkan ka daawo Video daqiiqadihii ugu dambeeyey Nolasha Col. Qadaafi.Riix Halkan

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com