Xidigaha kooxda Manchester United oo isagu jira kuwii hore & kuwa haatan ayaa qabsadey oo u batey kooxda 10-ka sano ee horyaalka Barclays Premier League ee Ingiriiska, kuwaasi oo ay codeeyeen tababarayaasha kooxaha ugu sareeya.

Lix ka mid ah 11-ka laacib ee heerka koowaad ee xulka waxay ka tirsan yihiin laacibiinta Man United ee isagu jira kuwa haatan iyo kuwii hore, halka kuwa keydka ama bench-ga ay afar kale ka mid yihiin.

Tababarayaasha kooxaha heerka koowaad ee horyaalka Premiership-ka ayaa la su’aalay inay u codeeyaan ciyaartoyda ay isleeyihiin waa kuwa ugu sareeya hadii hal koox la isagu keeni lahaa, waxaana daraasadan sameeyey bangiga caanka ah ee Barclays oo isagu haysta sponsor-ka ama dhiirigalinta Premiership-ka.

14 ciyaartoy oo ka tirsan Manchester United & afar ka socota Chelsea ayaa loo aqoonsadey ka dib markii ay heleen codeyntii ugu badneyn in ay yihiin kooxda 10-ka sano

Goolhayaha ciyaaraha isaga fariisanaya ee kooxda Man United Edwin van der Sar ayaa helay 53% codadka isagoo noqdey goolhaya ugu fiican, halka goolhayaha kooxda Chelsea Petr Cech uu helay 33%.

Garabka bixied ee difaaca waxaa loo codeeyey 73% daafaca Chelsea Ashley Cole, iyadoo uu la qaatey daafaca Man Un ee ciyaaraha shaley isaga fariistey ee la sagootiyey Gary Neville oo helay 60% .

Daafaca dhexda ee goolhayaha caawiya waxaa noqdey captain-ka kooxda Chelsea John Tery oo helay 40%, waxaa sidoo kale soo raacay daafaca Man United Nemanja Vidic oo helay 27%.

Odayga da’da ah ee wali iftiinka u ah kooxda Man United Ryan Giggs ayaa helay codeyn aan caadi aheyn oo ah 87% oo ah laacibka ugu wanaagsan ee garabka bidix, waxaana soo raacay saaxiibkiisii hore ee Man United ka tagey haatana ka mid ah Real Madrid Cristiano Ronaldo oo helay 67% codeynta ah in uu ku wanaagsan yahay garabka bidix.

 Mid kale oo ka mid ah laaciibinta da’da ah ee Manchester United oo ah  Paul Scholes, ayaa loogu codeeyey 23% kubad qaabeynta dhexda laakiin waxaa ka sareeya oo codeynta helay 33% kubad qaabeeyaha dhexda ee kooxda Livepool Steven Gerrard.

Weerarka ama afka hore waxaa ku guuleystey laacibiinta ugu sareysay xidigii hore ee qaranka England & kooxda Newcastle Alan Shearer oo helay 23% codeynta iyadoo sidoo kale isla darajadaasi codeynta ah uu la qaatey weeraryahanka & maroodiga Afrika ee ka trirsan Chelsea Didier Drogba.

Marka laga hadlayo keyda ama bench-ga waxaa sidoo kale loo codeeyey Beter Cech goolhayaha labaad kana tirsan Chelsea, xidigii hore ee Manchester United David Beckham, Patrice Evra, Rio Ferdinand & Wayne Rooney oo sadexduba ka mid ah xidiga haatan ee Manchester United.

Kooxda loo codeeyey ee 10-ka sano oo dhameystiran

Edwin van der Sar (Fulham and Manchester United); Gary Neville (Manchester United), Nemanja Vidic (Manchester United), John Terry (Chelsea), Ashley Cole (Arsenal and Chelsea); Cristiano Ronaldo (Manchester United), Paul Scholes (Manchester United), Steven Gerrard (Liverpool), Ryan Giggs (Manchester United); Alan Shearer (Newcastle United), Didier Drogba (Chelsea).

Badalka: Petr Cech (Chelsea), David Beckham (Manchester United), Patrice Evra (Manchester United), Rio Ferdinand (West Ham, Leeds and Manchester United), Wayne Rooney (Everton and Manchester United).

laakiin codeynat waxay u muuqataa in la iska ilaaway oo laga tagey mid ka mid ah laacibiinta mucjisada ku soo bandhigey ciyaaraha Premeirship-ka Thierry Henry oo u ciyaarayey kooxda Arsenal mudo dhawr sano ka hor intii aanu u ruqaansan kooxda Barcelona ee ka dhisan Spian.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com