Maxaad ka taqaan 10-ka ciyaartoy ee dunida ugu hantida badan sanadkan 2012 ?

Kubada cagta waxay kaalinta koowaad kaga jirtaa dhamaan qaybaha kale Sports-ka, waxaana tartamada kubada cagta ay yihiin kuwa looga daawashada iyo xiisaha badan yahay aduunka.

Malaayiin qof oo dunida daafaheeda ku kala dhaqan ayey qandhada ciyaarta kubada cagta xiligan si xun u haysaa, iyadoo noqotey mid ka mid ah ganacsiga aduunka xiligan ugu balaaran.

Hadaba kooxaha iyo ciyaaryahanada caanka ah ee kubada cagta ayaa malaayiin doolar oo lacag ah waxay ka soo gashaa xayeysiismaha iyo tartamada kubada cagta.

Laacibiinta xiligan ugu cad cad dunida ayaa dhakhli fara badan waxay ka helaan kooxaha ay ka tirsan yihiin kaasi oo isagu jira mushaar, gunno iyo waliba xayeysiismaha ay sameeyaan.

Tartanka ka dhex aloosan kooxaha aduunka ayaa keenay in laacibiinta kubada cagta lagu kala gato malaayiin doolar isla markaana mushaar qaarkood caqli ah ka bax la siiyo sida in bishii ay qaataan qaarkood in ka badan 1 milyan oo doolar.

Hadaba qormadan waxaan ku eegaynaa xidiga kubada cagta ee xiligan ugu taajirsan ciyaartoyda kubada cagta, iyadoo 10-ka ugu horeeya aynu ku eegayno warbixintan.

1: Lionel Messi

Lionel Messi

 Laacibka reer Argentine kana kooxda Barcelone ee dalka Spian, Lionel Messi  oo mudo sadex jeer ah ku guuleystey xidiga kubada cagta ee aduunka, markii afaraadna u sharaxan abaalmarintaasi ayaa noqdey ciyaaryahanka xiligan ugu dhakhliga badan ciyaaryahanada kubada cagta ee dunida, isagoo sanadkan 2012-ka ee dhamaadka ah ay soo gashay 43 milyan oo doolarka Mareykanka ah taasi oo isagu jirta mushaar, gunno iyo xayeysiis.

Messi waxaa mushaar ahaan ay u siisay sanadkan kooxda Barcelona 13 milyan oo doolar, waxaase 33 milyan uu ka helay xayeysiisyo uu u sameeyey shirkado ganacsi sida Adidas & Pepsi.

2. David Beckham

David Beckham

Xidigan da’ada ah ee u dhashay England dhawaana isaga tagey kooxda Los Angeles Galaxy  ee Mareykanka ka dhisan David Beckham ayaa isaguna kaalinta 2-aad galey, isagoo sanadkan ay u soo xarootey 40 milyan oo doolar oo isagu jirta mushaar iyo xayeysiis.

Beckham waxaa mushaar ahaan kooxda LA Galaxy uu uga qaatey 6 milyan oo doolar, waxaase uu ka helay xayeysiis uu sameeyey, Sponsorship & magaciisa oo loo isticmaalay ganacsi aduun lacageed oo gaaraya 34 milyan oo doolar.

Shirkadaha ugu badan ee uu lacagta ka helay waxay kala yihiin Adidas, Samsung iyo kuwa kale oo fara badan.

3:Cristiano Ronaldo

Cristiano Ronaldo

Cristiano Ronaldo oo ah xidiga wadanka Portugal iyo kooxda Real Madrid ee reer Spain waxaa uu galey kaalinta sadexaad waxaa sanadkan boorsadiisa ku soo dhacdey 38 milyan oo doolar oo isagu jirta mushaar, gunno iyo xayeysiis uu sameeyey.

Ronaldo wuxuu mushaar ahaan uga qaatey Real Madrid 18 milyan oo doolar waxaase uu ka helay  19 milyan iyo dheeraad xayeysiis uu sameeyey.

Wuxuu xayeysiis u sameeyaa Nike, Armani, Coca-Cola & Castrol.

4. Samuel Eto’o

Samuel Etoo

Eto’o oo u dhashay dalka Cameron ee galbeedka Afrika wuxuu haatan ka tirsan yahay kooxda Anzhi ee dalka Ruushka, waana ciyaaryahanka xiligan aduunka ugu mushaarka badan, waxaase kaalinta afaraad uu ku galey oo looga sareeyaa xayeysiismaha ay sameeyaan Messi, Beckham iyo Ronaldo.

Eto’o wuxuu mushaar u qaataa 26 milyan oo doolar lacagtaasi oo ah laba jibaar tan uu ka qaato Messi kooxda Barcelona, laakiin Eto’o wuxuu u helaa xayeysiis lacag gaaraya 4 milyan oo doolar sanadkii.

Shirkadaha uu xayeysiista u sameeyay waxaa ka mid ah shirkada gawaariada ee Ford iyo shirkada Puma ee qalabka Sports-ka sameysa.

5. Wayne Rooney

Wayne Rooney

Wayne Rooney oo ah xidiga kooxda Manchester United & qaranka England waxaa sanadkan bangigiisa ugu soo dhacdey 26 milyan oo doolar, taasi oo isagu jirta mushaarka kooxdiisa oo ah 17 milyan oo doolar, halka ku dhawaad 9 milyan oo doolar uu ka helo xayeysiismaha uu sameeyo.

6. Sergio Aguero

Sergio Aguero

Aguero oo u dhashay Argentine ahna laacibka kooxdiisa Manchester City u dhaliyey goolkii ay sanadkan ku qaadey horyaalka Premier League-ga oo aysan il iyo baar saarin mudo afartan sano ah ayaa isaguna kaalinta lixaad ku jira, waxaana sanadkan jeebkiisa uu ku kuusay 23 milyan oo doolar.

Mushaar ahaan wuxuu uga qaatey Manchester City 16 milyan, halka xayeysiis iyo gunno uu  u helay 9 milyan oo doolar.

 7. Yaya Toure

Yaya Toure

Yaya Toure oo u dhashay wadanka Ivory Coast ee ku yaal Galbeedka Afrika, kana tirsan kooxda Manchester City oo uu ka caawiyey in ay qaado Premier League-gii ugu horeeyey waxaa sanadkan u soo dhacdey 22 milyan oo doolar oo isagu jirta mushaar iyo dhaqaale kale oo u soo xarooday.

Mushaarka Yahya Toure uu ka qaatey sanadkan Manchester City ayaa gaaraya 17 Milyan oo doolar, isagoo ay isku mushaar yihiin Wayne Rooney.

8:Fernando Torres

Fernando Torres

Laacibka kooxda Chelsea & qaranka Spian Fernando Torres waxaa sanadkan qaanadiisa ku xarootey 21 milyan & dhawr boqol oo kun, oo isagu jirta mushaar & dhaqaale kale oo u soo xaroodey.

Torres wuxuu mushaar ahaan uga helay sanadkan kooxda Chelsea 14 milyan oo doolar, halka 7 milyan oo kale ay uga soo xarootey meelo kale oo ay ugu weyn tahay xayeysiis.

9: Kaka

Kaka

Inkastoo Kaka uu inta badan ku jiro Benjiga kooxda Real Madrid hadana sanadkan kaalinta 10-aad ayuu uga jiraa ciyaaryahanada ugu dhakhliga badan, waxaa u soo xarootey aduun lacageed oo gaaraya 20 milyan oo doolar, mushaarka kaliya uu qaatey sanadkan ayaa gaaraya 13 milyan oo doolar, halka 7 milyan ay ka soo gashay xayeysiis, isagoo xayeysiis u sameeya  Adidas, Giorgio Armani and Guarana.

10: Philip Lahm

Philipp Lahm

Captain-ma qaranka Germany & kooxda Bayern Munich Philip Lahm, ayaa noqdey xidiga 10-aad ee dunida ugu dhakhliga badan, waxaana sanadkan 2012-ka u soo dhacdey 21.8 milyan, isagoo mushaar ahaan uga qaatey kooxdiisa 13 milyan oo doolar halka in ka badan 8 milyan ay ka soo gashay xayeysiis iyo gunooyin kale.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print