Maxaa ka ogtahey  najiitadii Imtixaanka

“Deeqda waxbarshasho ee Turkiga”

Ma kala Saarnaa Runta & Rayi’ga

Baaritaan Madax-banaan oo ay sameysey Warbaahinta SBC:-                      {Qeybtii Koowaad}

Burburka baahsan ee Soomaaliya ay mudada dheer ku jirtey,waxaa ka dhashey dhibaatooyin badan oo aafeeyey garshada iyo caqliga shacab weynaha soomaaliyeed, una muuqada mid u baahan baxnaano badan,dulqaad iyo xilkasnimo dheeraada si loo dabiibo dhaawaca  bulshadeenu ay la il-darantahey .

Qaar ka mida ah dhaawacyadaasi waxey u baahan yihiin dheymo badan.Balse kuwa ugu xunuunka badan dhibahaasi waxaa ka mida “Caddaalad”. Waxaan ugu jeedaa Soomaalida manta dhamaantood wey u bukaan,oo wey u jiifaan,wey u oomanyihiin,wey raadinayaan Caddaalad,hadana waxaa jirta in qof u diyaar ah in caddaalad samir u yeesho uusan jirin  ama wey inagu yar yihiin. Maxey tahey sababtu ?

Runtii waa jawaab laga yaabo in ay adagtey laakiin waxaan isku dayeynaa in aan raadino jid aan ka baxno,si aynu taasi u helnana waa in aynu kala saarnaa Rayiga iyo Runta.

Jahwareer badan ayaa soo baxaya tan iyo markii lagu dhawaaqey najiitada Imtixaankii deeqda waxbarshe ee dawladda Turkigu ugu deeqdey dalka soomaaliya gaar ahaan saamigii ay heleen maamulka puntland. War-sidayaasha ka hawl-gala deeggaanda puntlandna waxeyba u muuqdaan kuwo laf ahaantoodu go,aano qaatey oo xukun yeedhinaya. Sidee wax u jiran? Halkee xaajadu ka qaloocdaa?

Waa sahal in waxa jira la ogaado laakiin waxey u baahantey in aynu xog helno,waxaase ka horeysa qodobkaasi waa  in aynu yeelano samir iyo daganaasho inoo sahla in aynu helno waxa aynu dooneyno hadii kale waxaa lumaya Runta, Rayiguna wuu xoogeysanayaa

Sida laga wada dharagsanyaheyna qorshaha deeqdan  oo si gaara ay u maamulayeen hawl-wadeeno turkiya qaabka ay wax u wadeen waxa uu ahaa mid u gaara oo aan cidd kale wax la ogey habka ay wax u qiimeeyeen lama yaqaano ilaa hada , dhanka kalena ardeydii ka qeyb gashey imtixaanka  oo dhami waxey isku raacsan yihiin  in imtixaanku uu ahaa mid aad u dabacsan oo fudud Maaddo ahaana uu ahaa Xisaab iyo English,hase yeeshee side loo saxey?

Su,aashaasi waxey nagu qaadtey jawaabteedu 48 saacadood waxeyna isugu biyo shubatey Turkiga weydii? Waa la yaab. Balse waxaa haboon in aanad go,aan deg-dega gaadhin oo ay haboontey in aad wax hubiso, laakiin sidee ayaad wax u hubinkartaa turkigii ma joogo Wasaaradii waxbarshadu hawsha go,aan kuma laheyn sida ay hore u cadeeyeen ardeydii  imtixaan fudud ayey galeen, najiitadii deg deg ayey u soo baxdey, tirade ardeyda  iyo waqtiguna way kala badan yihiin marka la eego go,aanku markuu soo baxey iyo xiliga la galey imtixaanka, waa arin su,aalo badan ka dhalan karaan oo wareer ah,laakiin taa macnaheedu maaha in aynu xogta jirta oo dhan helney oo xukunkeeduna inoo cadyahey .

Baaritaanka SBC sameysey qeybtiisa hore waxaad ku ogaan kartaa jawaabo  xora ah oo madax banana

No. Name school District Origin Region Tell Scholarship
1 Tawakal  Mohamed gelle Get way La,anod sool 4902609 Secondary
2 Mohamed Abdi Aden Omar Issse Talex Sool 668829 Secondary
4 Mohamed Abdi Ahmed Omar Issse Talex Sool 759199 Secondary
5 Abdikarim Mohidin Isse Omar Issse Talex Sool 561992 Secondary
6 Abdi qani Mohamed arab Omar Issse Talex Sool 635162 Secondary
7 Luqman Abdiraxman ilmi Ras asyr Bosaso Bari             (Sool) 762557 Secondary
8 Said yusuf ali Nawawi Garowe Nugal 786921 Secondary
9 Nimca Abdilahi mohamud Alwaxa Garowe Nugal 621586 Secondary
10 Fatah yusuf Ismail Imam shafici Bosaso Bosaso 759199 Secondary
11 Abdalla Dahir Golkhatumo Las,anod Sool 797702 Secondary
12 Khadra Dirie hashi mustaqbal Burco Togdheer
(Sool)
362292 Secondary
13 Samira Mohamed Adan Alwaxa garowe Nugal 748984 Secondary
14 Fahima Isma’il Jama Ganbol garowe Nugal       (Sool) 740782 UNIVERSITY
15 Halimo abdikadir Hersi Ganbol Garowe Nugal 577927 UNIVERSITY

LIISKA ARDEYDA U SHARRAXAN DUGSIYADA SARE EE TURKIGA U BAXDEY SHALEY  IYO LABADA GABLOOD EE U SHARRAXAN HEERKA JAAMCADEED OO IYNA SHALEY BAXEY    Waa kuwama

Ardeyda Guud ee  heshey natiijada  imtixaankii lagu galey garowe waxey dhamaayen 55 (konton iyo shan) ardey oo ka socdey  iskuulo kala duwan waxaa qeybta danbe ee baadhitaankan oo ku saleysanaa side loo saxey iyo xaqiiqda cida heshey ee nasiib u yeelateyba  imtixaankii deeqda waxbarasho ee lagu galey garowe 24 sep 2011 waxaa ku ogaan doontaa tirade ardeyda gobolka nugaal iyo cida nasiibka u heshey  .

Waxaa kaloo idiin hayaa sheeko kale uu oo mucjiso ah oo ka mida waxayaabaha soo baxey iyo cida loo filaayo in yihiin oo kala fog .

 

La soco qeybta labaad.