Waxaa maanta xoriyadoodii dib u helay 8 Maxbuus oo laga soo qabtay Degmada taleex ee Gobolka Sool bishii sideedaad ee sanadkaan  kadib iskahor imaad dhex maray  maamulka Puntland iyo saraakiil ka tirsanaa Maamulka Somaliland kuwaas oo xilal ka hayey Maamulkaasi,

Siidaynta Maxaabiistaan ayaa la sheegay in ay ka dambeysay Cafis uu u fidiyay Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud faroole kadib is arag  Isimo iyo  Odayaal ka soo jeediyay Gobolka Sool.

Taliyaha Cidamada Booliska iyo Cidanka Asluubta Puntland G/sare Maxamed Siciid Jaqanaf oo warbaahinta kula hadlay taliska Cidanka Booliska ee Magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyay Maxaabiistaan maanta ay sii daayeen Maamulka Puntland tiradooda iyo  magacyadoodaba

Waxaanu saxaafada u sheegay in siideynta maxaabiistani ay isla maanta hir gashay islamarkaana ay xor yihiin, ayna ku xuroobeen Cafis uu Madaxweynaha Puntland u fidiyay.

Qaar ka mid ah Maxaabiistii maanta dib u helay Xoriyadooda ayaa la hadlay Saxaafada, iyagoona ku tilmaamay cafiska maanta la cafiyay in ay ku faraxsan yihiin kagana mahad celinayaan Maamulka Puntland .

C/rashiid C/laahi Waxaa uu ka mid ahaa Maxabiistii maanta xoriyadooda dib u  helay waxaana uu ahaa markii la soo qabanayey Gudomiyaha  Maxkamada Dajada kowaad ee gobolka Sool dhanka Maamulka la baxay Soomaali land waxaanu SBC u sheegay in ay si wanaagsan ugula dhaqmeen intii ay xabsiga ku jireen saraakiishii xabsiga iyo maamulkaba,

Horay waxaa loo sii dayey lix Maxbuus oo qayb  ka ahaa maxabiistaan kadib marki maxkamadi ay sii daysay inkasatoo ay maxkamadu xukuntay gaadiid lala soo qaybtay iyo qoryo ay la wareegeen Mamulka Puntland .

SAWIRO




C/naasir Yaasiin Salaad

SBC International Garoowe