Mahad oo dhan waxa ay sugnaatay eebe wayne,  Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato suubaneheenii maxamed .

Ugu horrayn aan uga faa’iidaysto inaan tacsi u diro dhammaan umada soomaaliyeed , shacab weynaha reer Puntland ,

Asxaabtii iyo qaraabadii Gaar ahaan qoyska uu ke baxay AUN dr cabdi xasan jimcale ilaahay samir iyo iimaan aan la soo Koobi karin allaha ka siiyo  waxaan ilaahay uga baryayaa Janno waarta ,danbi dhaaf iyo su,aasha qabriga in  ilaahay u fududeeyo .

Geeridu waa xaq waana la wada dhimanayaa hase ahaatee waxay dad badani u ahayd fajac iyo amakaag Markii war aan la jeclaysan uu ka soo yeeray xaggaa iyo london balse qadarta alle ayaa la aaminaa  , Naf walbana in ay maalin leedahay loona wada socdo balse lagu kala horraynayo  ,

Qormadaanna  waxaan ku eegi doonaa Xusuusta iyo raadka uu ka tagay Dr cabdi xasan Jimcale Iyada oo aan qoraal lagu soo koobi karin raadkii wanaagsanaa ee uu ka tagay marxuumku
Hadana waxaan is leeyahay toosh ku ifi waxyaabihii ugu danbeeyay oo wali ka qoyan maanka bulshada .

Aan dib u jalleeco wax yar taariikhdii dr cabdi xasan Jimcaale Marxuum Jimcaale waxa uu ku dhashay magaalada muqdisho , waxbarashadiisa dugsi hoose, dhex illaa dugsi sare Waxa uu ku dhamaystay isla magaalada muqdisho , waxbarashadiisii heerka jaamacadeed waxa uu ku qaatay

Gudaha dalka iyo dibadiisa isagoo si gaar ah ugu takhasusay siyaasada iyo sharciga wuxuuna  ka gaaray sanadkii 1993 darajada doctoreetka P.H.D.

Wuxuu siminaaro iyo tababarro kala duwan ku soo qaatay dalal ay ka mid ahaayeen
Midowgii sofiyeti , jarmalka ,bulgaariya iyo roomaaniya ,Wuxuu ku hadli jiray luqado ay ka mid yihiin Carabiga.talyaaniga.roomaanka,danishka sidoo kale waxa uu akhrin karay qori karayna farta kareeliya oo ay isticmaalaan wadamada islaafka sida ruushka iyo bulgaariya.

Waxa uu bare ka soo noqday kulliyadii gahayr , sidoo kale marxuumku  waxa uu ka soo shaqeeyay dawladdii dhexe ee somalia wasaarado .wakaalado.iyo waliba dhawor gobol oo wadanka ka tirsan asagoo ka soo qabtay xilal kala duwan .

Markii ay burburtay dawladdii dhexe ee soomaaliya marxuumku waxa uu u hayaamay dhankaa iyo qurbaha waxa uu daganaa wadanka denmark ,

Hadaan intaa ku gaabiyo taarikhdii dr jimcale aan u leexdo cinwaanka qormadan

Maxaa lagu xasuusan doonaa Dr jimcali .

Sanaddii 2009 markii ay awooda  Puntland la wareegtay xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne c/raxmaan farole , Waxa uu nasiib u helay Dr jimcale in uu ka mid noqdo golihiii wasiirrada ee uu magacaabay madaxweyne c/raxmaan Isagoo loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Dustuurka iyo Arimaha Feedaraalka.

Shacabka reer Puntland aad bay u wada garanayaan marxuumka iyo halhayskiisii caanka ahaa oo marka uu  doonayo in uu arrin runta ka sheego uu dhihi jiray ( Xaasha lillaah ) .
Qofka waxaa lagu xasuustaa wuxuu qabtay wasiir Jimcaalena waxa la dhihi karaa waxa uu ahaa lafdhabartii dawladnimada Puntland waana halyey garaad iyo  aqoon ilaahay siiyay una huray dadkiisa in uu ku samatabixiyo ,

Waxaanu dadka reer Puntland uga tagay waxyaabo aan maankooda ka go’ayn.

Dr jimcale waxa uu waqti badan siiyay sidii looga gudbi lahaa nidaamka qabaliga ah looguna gudbi lahaa nidaamka axsaabta badan hawlaha ugu waawayn ee lagu xasuusan doono waxaa ka mid ah dastuurka cusub ee daladda Puntland oo habayntiisii iyo dib u eegistiisiiba uu kaalin lama illaawaan ah ka qaatay waxaa lagu  tilmaami karaa amaba uu ahaa hormuudka dimoqraadiyaynta Puntland.

Waxa uu sidoo kale lahaa hindisaha ah  in ay Puntland yeelato calan iyo astaan u gaar ah.
Waxa sidoo kale kaalin muhim ah ka qaatay dadaalkii lagu doonayay in somalida gogol nabadeed loogu fidiyo magaalada garowe isagoo  hogaaminayay gudigii ka qaybglay shirarkii garowe 1 iyo garowe 2.

Dr Jimcaale waxa uu sidoo kale aad ugu dadaalay sidii uu hagaajin lahaa xiriirka dibada ee Puntland, waxa uu safarro kala duwan ku kala baxshay wadamo badan oo caalamka ah , wuxuu indhaha caalamka ku soo jeediyay Puntland heerka maanta ay joogto Puntland iyo sumcada ay ku leedahay caalamka ayuu ka qaatay kaalin mug leh ,
Tusaale ahaan  December 2010kii wafdi uu hogaaminayay Dr Jimcaale uu  ka qayb galay 5th International Conference on Federalism oo ka dhacayay Addis ababa shirka waxa ay ku soo kordhiyeen 2 qodob oo muhim ahaa ayna isla qaateen dhammaan dawladihii ka soo qayb galay shirka waxayna kala ahaayeen

  1. In habka Federaaliisamku ay lagama maarmaan u tahay in la qaybiyo adeegga dalka iyo hanaanka dawladnimo, tusaale ahaan, sida in la kala saaro caasimadda iyo magaalada ganacsiga iyo in hay’adaha dawladda ee Fedaraalka ay ka hawlgalaan dawladaha xubnaha ka noqonaya dawladda federaaalka.
  2. In habka Federaalka uusan ku koobneyn oo kaliya dadka ku kala duwan dhaqanka, afka, diinta iwm ee uu muhiim u yahay kuwaa uu dilootay dagaalada sokeeye iyo dawlad la’aanta (collapse of the State) ama logu yeero failure state, sida Soomaaliya, xalka kaliyana uu yahay in la qaato hanaan dawladeed oo aan ka hooseyn habka federaaliga ah.

sidoo kale xusuusta  Puntland uu uga tagay kama marna hirgalinta sharciyada caalamka horumaray looga dhaqmo .

Waxa sidoo kale lagu xasuustaa  dadaalkii dheeraa ee uu  u galay sidii somalia ay u yeelan lahayd dastuur iyo qaybti libaax Ee ku qaatay qoraalka  dastuurka qabyo qoraalka , isagoo  in badan siiyay koorsooyin ku saabsan dastuurka gudigii qorayay Dastuurka qabyo qoraalka ee somaliya , koorsooyinkaas waxa uu ku kala bixiyay jabuuti iyo kenya.

Waxa uu aad ugu ololayn jiray uuna jeclaa in uu mar indhihiisa ku arko soomaliya oo dawlad leh kuna soo Noqota maqaamkii ay dunida ku lahayd .

Kaliya maaha in dr Jimcaale lagu xasuusan doono xaga sharciyada iyo siyaasada horumarkii uu ka sameeyay , Balse waxa uu ahaa aqoonyahan qoraa ah oo wax ka qora dhacdooyinka geeska africa .

Waxaa in badan marka ay maqlaan ardayda soomaaliyeed magaca dr jimcale maskaxdooda ku soo dhacaysa buugiisa caanka ahaa  ee MADAGANAYAASHA GEESKA AFRICA waa tixraac taariikheed oo in badan laga faa’iiday.

Waxa uu sidoo kale horraantii sanadkan soo saaray buug lamagac baxay TAXANAHA TAARIIKHDA ISLAAMKA.

Waa qoraallo dhaxal gal ah oo jiilba jiil u gudbin doono , xasuustana marnaba aan kago’ayn ,
Sooyaal mug weyn iyo cocod taariikheed oo aan dhamaad lahayn ayuu shacabka soomaaliyeed iyo dalkaba uga tagay .

Dr cabdi xasan jimcale waxyaabaha lagu xusuusan doono maaha mid lagu soo koobi koro qoraal yar waa mid mudan  In buugaag laga qoro balse qormadan waxaan ku soo gaabin doonaa aqoontaydii gaarka ahayd ee aan u lahaa dr jimcale.

Dr cabdi xasan jimcale allaha naxariistii janno haka waraabiyo waxa uu ahaa nin cilmi iyo garaad ilaahay siiyay  Waxaa uu ahaa nin dadka aad u ixtiraama , jecel fikrad walba qofka in uu ka dhagaysto , aan isla wayni lahayn  Dhulka isu dhiga qof walba, hadalladiisa iyo sheekooyinkiisaba ay aad kuu saamaynayaan , mar walba kula taliya  Qofka xaga tacliinta , af gaaban , waxaa suurta gal ah in dadka qaarkii ay siyaasada ku barteen balse waxa uu ahaa Nin aad ugu xeel dheer diinta islaamka , wadani ah , wuxuu jeclaa dadkiisa in uu wax u qabto raad muuqdana uga tago

Wuxuu ahaa shaqsi la tabi doono wax wayn ugu tooranaa dadka soomaaliyeed gaar ahaan Puntland.
Dr jimcale eebe weyne ha u naxariisto su,aasha qabrigana allaha u fududeeyo

 Waa qalinkii :
Abdiqani Mohamed Ali
Hurfe77@gmail.com