Boqorada Mustaqbalka ee boqortooyada United Kingdom Kate Middleton oo maalinta Jimcaha ay is guursadan doonaan wiilka la filayo in uu noqdo Boqorta UK Prince William ayaa warar maanta soo baxay waxay sheegayaan in ay baratey suurado ka mid ah qur’aanka kariimka isla markaana ay ka mid aheyd casharo ay qaadan jirtey axaadiista Nabigeena Muxamed NNKH.

Kate Middleton ayaa iyadoo yar waxaa qoyskoodu dageen magaalada Camaan ee caasiada wadanka Jordan halkaasi oo Aabaheed Middleton uu madax ka ahaa xafiiska shirkada diyaaradaha British Airways qaybteeda dalka Jordan, xiligaasi oo ahaa sanadihii 1984-1986-dii ayaa iskoolka ay wax ku baranaysay waxaa ka mid ahaa casharadii ay qaadan jirtey Qur’aanka kariimka & axaadiista Nabiga CSW, sida uu maanta daabacay wargeyska Daily mail oo ka mid ah wargeysyada aadka loo aqrsito ee aduunka kana soo baxa magaalada London.

Kate oo xiligaasi sadex sano jir aheyd waxaa la geeyey iskool xanaano uu ku yiil magaalada Aman, waxaana xanaaneyn jirtey haweenay magaceeda la oran jirey Sahera Nabulisi Tarawneh.

Dugsiga xanaanada ee Kate ay dhigan jirtey ayaa lagu magacaabi jirfey Al Sahera Kindergarten sida wargeysku qorey Kate waxay aqrin jirtey suurado ka mid ah qur’aanka kariimka, balse 3 sano ka dib iyadoo 6 sano jir ah ayaa dib loogu soo celiyey wadanka Ingiriiska magaalada Buckle bury iyadoo halkaasi uga dhamaatey barashadii qur’aanka kariinmka.

Si kastaba ha ahaatee Kate waxay jimcaha galaysaa nolol cusub oo ah inay ka mid noqonayso qoyska reer Boqor ee UK waxaana ay isguursanayaan Prince William oo ah wiil ay dhashay haweenaydii caanka aheyd ee Princes Diana waana dhaxalsugaha Boqortooyada UK ka dib Aabihiis Prince Charles oo haatan ah dhaxalsugaha Boqortooyada UK.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com