Gaalkacyo- Masuuliyiinta Puntland ayaa siyaabo kala duwan uga hadley weeraradii kala duwanaa ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, kuwaasi oo ay ku dhinteen 7 qof iyo dhaawaca tiro intaasi ka badan.

Wasiirka amniga Puntland Jeneral Yusuf Axmed Khayr oo saxaafada kula hadley magaalada Garoowe ayaa ku eedeeyey dilalka ka dhacay magaalada Gaalkacyo kuwa ay ka dambeeyey dad uu wasiirku ku sheegay inay yihiin argagixiso isla markaana ka soo horjeeda nabadaa oo cadow ku ah Puntland.

Yuusuf wuxuu si kulul u dhaleeceeyey dilkii qaarajinta ah ee qaraxa lagu dilay masuul ka tirsan Puntland oo ahaa Agaasimihii wasaarada Awqaafta & arimah Diinta Marxuum Sheekh Ismaaciil Xaashi Xuseen.

Wasiirku wuxuu xusey inay ay ciidamada Booliiska gobolku wadaan baaritaanka dadkii ka dambeeyey ama ku lugta lahaa dilkaasi, waxaana uu xaqiijiyey inay jiraan dad loo soo qabqabtey dilkaasi oo haatan baaritaan lagu.

Laakiin hadalka wasiirka ee eedeynta dillalkaasi mid ka duwan ayaa waxaa shaaciyey Madaxweyne kuxigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire isagoo ku eedeeyey falalka amni darada ee ka socda magaalada Gaalkacyo iyo waliba dilalkii ugu dambeeyey xoogaga Al-Shabaab sida uu sheegay Madaxweyne kuxigeenka.

Maalinimadii Sabtida ayaa qarax loo adeegsadey bamka gacanta laga hayo waxaa lagu diley agaasimihii wasaarada Awqaafta & Arimaha diinta Sheekh Ismaaciil Xaashi Xuseen iyo laba qof oo kale oo gaariga la saarnaa halka laba qof oo kalena uu dhaawac ka soo gaarey qaraxaasi.

Dilkaasi & dhaawacaasi dib maqribnimadii kooxo hubaysan ayaa kadib salaadii Makhrib gudaha u galay Masjidka Salaaxu-diin oo kamid ah masaajiida ku yaala magaalada Gaalkacyo,waxaana kooxdan rasaas aan loo aabo yeelin dadkii masjidka ku tukanayey iyadoo ay ku dhinteen falkaasi afar qof halka 7 kalena ay ku dhaawacmeen.

Saaka waaberigii salaada subax markii la tukanayey weerar kale oo lagu qaaday Masjika Faaruuq ee ku yaal xaafada Garsoor ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku dhintey 1 qof halka sadex qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Warar ayaa sheegaya in maleeshiyada masjidka weerartey ay wateen dad masaajidka ku tukanayey iyadoon la ogeyn tirada rasmiga ah.

Jawiga magaalada ayaa haatan kacsan waxaana laga dareemayaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo xaalad cakiran oo dhanka amaanka ah, waxaana laga cabsi qabaa inay dhacaan falal kale oo amni xumo oo salka ku haya dilalkan & dhaawacyadan ka dacaya magaalada.

SBC Monitoring