Wafdigan ayaa ujeedkoodu wuxuu ahaa sidii ay wacyigalin ugu sameyn lahaayeen dadka dega degmada Ufayn iyo deegaanada hoosataga , sidookale wafdigana ayaa waxa ay isgu jiraan mas,uuliyiin katirsan Dawlada Puntland iyo Waxgarad  culima awdiin Kasoojeeda deegaankaas.

Waftigan waxaa kamida wasiir kuxigeenka wasaarada waxabarashada Puntland  Maxamuud Maxamd Idiri, Wasiirkuxigeenka Wasaarada Aminga C/dirisaaq Xareed ismaaciil  iyo Agaasimaha guud ee wasaarada Dekadaha iyo gadiidka Dadad c/dirisaaq Samatar Jaafaan .

Wasiirkuxigeenka waxbarshada Puntland oo lahadlaayey SBC International ayaa waxa uu sheegay in hawlihii ay u tageen Degmada Ufayn ay wax badan ku guuleysteen islamarkaasina ay wacyigalin badan u sameeyeen dadka deegaanka ku dhaqan .

Wuxuu sidoo kale wasiirku sheegay in ay fureen wadadii kobdhexaad oo ay horay u fadhiyeen maleeshiyo beeledyo.

“waxaan ku guulaysanay inaan dhamaan dhalintii halkaasi joogay aan hubkii ka uruurinay si aysan dadka wax ugu geeysan”  saas waxaa yiri wasiir kuxigeen waxbarshada Puntland.

Socdaalka waftiga Puntland ayaa kusoo Beegmaya xili ay dhawaan soo cusboonaatay dagaal u dhexeeya laba Qabiil oo Dega Gobolka Bari .

Cismaan Saalax
SBC International Boosaaso