Masuuliyiin Katirsan Degmada Bosaso oo Maanta Gaaray Tuulada Karin oo Shalay dab ka kacay uu Baabi iyay Dhul Beereed Badan

Dab Khasaaro Hantiyeed Geeystay ayaa Qabsaday Dhul Beereed Kuyaalay Tuulada Karin ee Gobolka Bari.

Dabkan oo ahaa Mid Khasaare aad  Badan Geystay ayaa Bilowday Duhurkii Shalay iyadoo ilaa Shalay Dadka Deegaanka iyo Hay,adaha Dabdamis Dadaal Dheer oo ay galeen Kadib ayeey Ku guuleysteen in ay Dabka Damiyaan.

Maanta ayaa waxaa Goobtii Dabku Qabsday Tagay Masuuliyiin Katirsan Maamulka Degmada Bosaso oo uu Hogaaminayey Kuxigeenka Duqa Degmada Bosaso Siicd Cabdiraxmaan Maxamad iyo Masuuliyiin Katirsan Golaha Deegaanka Degmada Bosaso .

Siciid Cabdiraxmaan Maxamad Kuxigeenka Duqa ayaa sheegay in Dabku uu Sababay Khasaare Hantiyeed oo Badan Wuxuuna Hay,adaha Ugu Baqay in ay Dadkan Caawinaad Soogaarsiiyaan .

Xildhibaan Cabdinuur Galayr oo isna Madasha Ka Hadlay Ayaa Wasaarada Beeraha iyo Hay,adaha Beeraha Qaabilsan u sheegay In Dadkan Hantidooda Dabka ku waayey in ay waajib Kutahay in ay Kahelaan Gar Gaar.

Bashiir Gurxan oo Kamid ahaa Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Dabka oo Soconayey Saacado Badan uu Galaaftay ilaa Sagaal Dhul Bereed oo Halkaasi ku Yaalay wuxuu sheegay in Ay Dawlada iyo Hay,adaha waydiisanayaan Gar gaar

Maahan Markii ugu Horaysay oo Dab Caynkani oo Kale Qabsado Dhul Beereed Kuyaalay Tuulada Karin

Sawiro






Cismaan Saalax Ismaaciil 
SBC international Boosaaso