Masuuliyiin katirsan dawlada Puntland ayaa gaaray goobtii xalay uu qabsaday dabku ee suuqa weyn ee magaalada Bosaso masuuliyiintaasi waxaa kamid ahaa Wasiirka Amniga Dawlada Puntland Khaliif Ciise Mudan Wasiir Kuxiigeenka Arimaha Gudaha Puntland G/ Cabdi Yaasiin Xirsi Gudoomiyaha gobolka Bari  gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo masuuliyiin kale ,

Goobta ay gaareen masuuliyiintan oo ahayd bartamaha suuqii weynaa ee magaalada Bosaso ayaa xiligaasi waxaa kasocday hawlo laxiriira daminta dabkii xalay oo wali ka baxayay guryaha qaarkood waxaan goobta  joogay booyado farabadan iyo gaadiidka dabdamiska  inkastoo horay ay dadku u dhaliileen laamaha dabdamiska ayaa hadan moodaa kuwo saaka shaqaynayey xili uu laakiin dabkuu intii xalay uu kayaraa.

Sidoo kale waxaa saaka labaneeyay gobihii ay ku soodumeen balbalooyinkii horay loogu ganacsan jiray waxaana wadooyinka logu baneynayey cagaf cagaf waana tan sahashay in suuqii hore ee magaalada Bosaso markii danbe ay galaan boyadaha si loo damiyo dhismayaal wali uu dab ka baxayey .

Wasiirka amniga Dawlada Puntland Khaliif Ciise Mudan oo isla goobta saxaafada kula hadlay ayaa sheegay in arinkan uu yahay mid lagu tilmaami karo musiibo qaran wuxuuna sheegay in Dawlada ay aad uga xuntahay arinkaa musiibada ah ee ku dhacay shacabka reer bosaso wasiirka ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka maalka haysat in ay dadka walaalahooda ay cawiyaan

“dadkan ay maanta hantidoodu baabaday shalay waxa ay ahaayeen kuwo wax haysat maantana waaa kuwo aan waxb haysan marka waa in aan si caawinaa sidaasi waxaa yiri wasiirka amniga Puntland” .

Sidoo kale waxaa isna arinkaasi shacabka uga tacsiyeeyay gudoomiyaha Rugta ganacsiga Puntland Maxamuud Ibraahim Xayir wuxuuna dadki ay hantidoodu basbeeshay alle uga baryay in uu farajac kale u furo

Ugu danbeyntii gudoomiyha gobolka Bari Cabdi Samad Maxamad Galan ayaa isna sheegay kaalinta uu maamulkiisu musiibadan ka qaadanayo wuxuuna sheegay in wax alle wixii karaanka maamulka gobolka Bari ah ay lagarb istaagi doonaan dadka reer Bosaso islamrkaasina ay sameyn doonaan qimayn lagu ogaanayo khaasraha uu dhaliyay dabkii xalay .

Suuqa weyn ee magaalada Bosaso wuxuu ahaa mid halbowle u ah dhaqaalaha dadka ku nool deegaanad maamulka Puntland waxaana shaki kujirin in khasaaraha dabkani uu saameyn weyn kuyeelan doono dhaqaalha Puntland .

SAWIRO






Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International Boosaaso