Iyadoo maanta warbaahinta caalamiga ah ee SBC ay u dabaaldegayso sanad guuradii 10-aad ee ka soo wareegtey aasaaskeeda ayaa masuuliyiin kala duwan waxay u soo jeediyeen hambalyo ku aadan xuska yagleelkii SBC.

Madaxweynaha Puntland
Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) oo haatan ku sugan wadanka Jibuuti ayaa xuska munaasabadaha aasaaskii SBC wuxuu kaga qayb qaatey khadka telefoonka.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn hambalyo diiran wuxuu u jeediyey dhamaan hawlwadeenada warbaahinta SBC, isagoo ugu hambalyeeyey 10 sano guurada aasaaskeeda.

Madaxweyne Faroole wuxuu sheegay in SBC ay kaalin weyn ka qaadatey arimaha bulshada, isagoo xusey in mudadii ay jirtey waxtar la taaban karo ka geysatey deegaanada Puntland.

Madaxweyne Kuxigeenka

Gen. Cabdi-Samad Cali Shire madaxweyne kuxigeenka Puntland oo dalka shaley dib ugu soo laabtey ayaa geestiisa isaguna hambalyo balaaran u soo jeediyey maamulka & hawlwadeenada SBC, isagoo tibaaxay in uu ku faraxsan yahay in uu kaalintiisa ka qaato hambalyeynta warbaahinta SBC oo ku tilmaamay inay tahay warbaahin kaalin weyn kaga jirta horumarka Puntland. Player-ka hoose ka dhageyso hadalka madaxweyne kuxigeenka
Halkan ka dhageyso madaxweyne kuxigeenka Gudoonka Baarlamanka Puntland

Salaad Xareed Cali oo ah gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa isaguna khadka telefoonka uga qayb qaatey munaasabada xuska 10 sano guurada aasaaska warbaahinta SBC waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu kala qayb qaato maamulka & hawlwadeenada SBC dabaaldega maalintan qiimaha weyn ku fadhida oo ah maalintii ugu horeysay oo idaacad madaxbanaan laga furo deegaanada Puntland. (Player-ka hoose ka dhageyso hambalyada Gudoomiyaha Baarlamanka)Gudoomiye kuxigeenka Baarlamanka

Xildhibaan C.laahi Quraan oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka ayaa isaguna ka mid ah masuuliyiinta u hambalyeysay waraahinta Player-ka hoose ka dhageyso hambalyada xildhibaanka Dhageyso hadalka xildhibaanka

Xildhibaan  Faarax Jaamac Boos oo isaguna ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka Puntland ayaa isaguna ku biiriyey codkiisa hambalyada warbaahinta SBC (Playerka hoose ka dhageyso codka xildhibaanka) Xildhibaanka ka dhageyso codkiisa halkan Wasiirka warfaafin, Isgaarsiinta & dhaqanka

Wasiirka warfaafinta,Isgaarsiinta, dhaqanka & dalxiiska ee Puntland Axmed Cali Askar oo ka mid ahaa masuuliyiinta maanta u hambalyeeyey waraabinta caalamiga ah ee SBC ayaa sheegay in uu aad uga faraxsan yahay inuu kala qayb qaato masuuliyiinta & hawlwadeenada SBC dabaaldega munaasabada 10 sano guuradii ka soo wareegtey markii dhidibada loo taagey warbaahinta SBC.

Wasiirka ayaa sheegay in SBC ay tahay warbaahin aad ay ugu kalsoon yihiin dadka wuxuuna sheegay in kaalin weyn kaga jirto horumarka bulsho & maamul, wuxuuna sheegay in uu u rajeynayo inay ku talaabsato horumar ka sii balaaran kan ay haatan ku talaabasatey.

Wasiirka qorsheynta & xiriirka caalamiga ah Qorsheynta

Daa’uud Maxamed Cumar wasiirka qorsneynta & xiriirka caalamiga ah ee Puntland oo ka mid ah madaxda dawlada ee maanta sida weyn ugu soo hambalyeeyey  SBC munaabada xuska 10 sano guurada SBC (Player-ka hoose ka dhageyso hambalyada wasiirka)Hambalyada wasiirka xiriirka caalamiga ah Wasiirka dhalinyarada, Ciyaaraha, shaqada & shaqalaha

C/weli Xirsi Cabdulle (Indhoguran) oo ah wasiirka dhalinyarada, Sports-ka, shaqada & shaqaalaha ee Puntland oo isaguna ka hadley munaasabadan xuska 10 sano guurada ka soo wareegtey ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu ka qayb qaato dabaaldega xuska 10 sano guurada SBC.(Player-ka hoose ka dhageyso codka wasiirka) Hambalyada wasiirka Agaasimaha wasaarada haweenkaSiciido Xirsi oo ah agaasimaha wasaarada haweenka Puntland ayaa iyaduna ka mid aheyd masuuliyiintii sida laabfurnaanta ugu hambaleyey 10 sano guurada ka soo wareegtey aasaaska warbaahinta SBC (Player-ka hoose ka dhageyso hamblayada Agaasimaha)Agaasimaha wasaarada haweenka

 
Gudoomiye kuxigeenka gobolka Bari

Yuusuf Muumin Bide, gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee gobolka Bari ayaa isaguna codkiisa ku biiriyey hamblayada warbaahinta SBC ee munaasabada xuska 10 sano guurada ka soo wareegtay aasaaskii SBC. (Player-ka hoose ka dhageyso hambalyada gudoomiye kuxigeenka)Gudoomiye kuxigeenka gobolka Bari  Gudoomiyaha haweenka Gobolka Bari

Maryan Guduudo, gudoomiyaha haweenka gobolka Bari ayaa si weyn ugu hambalyeysay mulkiilaha, maamulka & dhamaan shaqaalaha warbaahinta SBC. (Player-ka hoose ka dhageyso hadalka Maryan Guduudo)Maryan gudoodo Gudoomiyaha Haweenka Boosaaso

Khadro Dhuunkaal gudoomiyaha haweenka Boosaaso ayaa iyaduna muujisay farxada dabaaldega SBC iyadoo ugu hambalyeysay sanad guurada 10-aad. (Player-ka hoose ka dhageyso hamblayada gudoomiyaha) Dhageyso gudoomiye Khadro Ururada DhalinyaradaMukhtaar Cawad Ciise oo ka mid ah ururada dhalinyarada ee deegaanada Puntland ka dhisan ayaa isaguna codkiisa ku larey hambalyada warbaahinta SBC ee 10 sano guurada (Player-ka hoose ka dhageyso hambalyada Mukhtaar) Halkan ka dhageyso MukhtaarKhaalid Maxamuud C/raxmaan
khaalidmaxamuud@hotmail.com

NB: Codka Madaxweynaha & codad kale oo hambalyada ah la soco goor dhow Insha ALAAH