Waxaa Maanta tagay Deeganka Af-furur oo ka tirsan Gobolka Bari islamarkaana hoostagta Degmada galgala Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland kuwaasi oo iskugu jiray wasiiro,Wasiir ku xigeeno iyo taliyaal Ciidan kuwaasi oo halkaas u tagay inay kulamo la qaataan Dadka Deeganka oo dhawaan sheegay in ay la dagaalami doonan Cid kasta oo amaanka Deegaankood wax u dhimeysa gaar ahaan Dagaalyahanada Buuraleyda galgala.

Wasiir ku xigeenka Amaanka Puntand C/jamal Cismaan Maxamed oo ka hadlay Deegaanka ayaa isaga oo la hadlaya Dadka Deegaana waxaa uu ugu hambalyeeyay inay sameysteen Ciidamo Madani ah oo amaanka deegaankooda sugi kara waxaana uu sheegay in Dowlad ahaan ay ku taageerayaan in la caawiyo Ciidamadaasi.

sidoo kale wasiir ku xigeenka Howlaha Guud iyo Gadiid Puntland Farax Cali Cabdi ayaa sheegay in deegaanka uu yahay mid xaaladiisu amaan ay soo hagaageyso islamarkaaisna Maamul ahaan ay dadka Deegaanka ku garabsiin donan in Amaanka Si weyn loo adkeeyo islamarkaasina Ay ka feejinadaan Dhaqaaqa Xarakada Alshabaab ay ka sameyneyso Buuraleyda Golis.

Dhinaca kale waxaa goobta lagu soo bandhigay 4 nin oo lagu sheegay in ay ka soo baxsadeen Xarakada alshabaab ee Buurlayda golis kuwaasi oo saxaafada ugu waramay sababihii ay uga soo baxsaden iyaga oo sheegay in ay u soo tageen inay ka mid noqdaan shacabkooda

Kormeerkan Shaqo ee dhinaca Amniga la xiriira oo ay maanta Mausuliyinta Maamulka Puntland ku sameeyeen Deegaanka A-urur waxay ku soo beegmeysa Xilli dhawaan Dagaalyahanada Buurlayda Golis ay sheegteen inay ku biireen Xarakada alshabaab oo dhawaan la midoowday Ururweynaha Alqaacida

Sawiro










SBC International Monitoring