Masuuliyiinta Maamul goboleedka Jubaland ayaa ku celiyay in aanay ka qeyb qaadan doonin shirka uu ku baaqay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee uu ku sheegay in ay u qabandoonaan waxgaradka iyo mushtamaca ku dhaqan gobolada Jubaland .

Cabdi Mahdi C/salaan oo ka mid ah Masuuliyiinta Maamulka Jubaland ee uu Madaxweynaha u yahay Axmed Maxamed Islaam Axmed Madobe oo wareysi siiyay warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho caasimada dalka ayaa ku tilmaamay madaxweynaha Soomaaliya nin carqaladeynaya nabadda iyo xasiloonida ka jirta gobolada Jubaland.

Waxa uu intaasi ku daray masuulkan in shirka uu ku baaqay Xasan Shekeh  uu yahay mid qorshe amaan xumi iyo abaabul qas loogaga sameynayo jubaland, ka maamul ahaanna aysan marnaba ka qeyb gali doonin.

“Xasan Sheekh Shir uma qabanayo Kismaayo, masheegin in uu shir dib u heshiisin u qabanayo Xamar”sidaasi waxaa hadaladiisa u dhigay Cabdi Mahdi C/salaan oo ka mid ah Masuuliyiinta Jubaland

Sikataba ha ahaatee Ma haan markii ugu horeysay oo ay ka hadlaan masuuliyiinta Maamulka Jubaland shirka uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya in uu ku qabsoomo magaalada Muqdisho kaas oo ka mid ahaa qodobo ka soo baxay shirkii madaxda wadamada urur goboleedka Igad ee ka dhacay Dalka Itoobiya .

SBC International News Desk