Marxuum Cismaan Axmed  (Cismaan Qarawo) oo ka mid ahaa masuuliyiinta maamulka xaafahada magaalada Boosaaso ayaa kooxo hubaysan caawa ku dileen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Axmed Qarawo oo ahaa afhayeenkii gudiyada 16-ka xaafadood ee magaalada Bosoaaso isla markaana ahaa gudoomiyihii Laanta Girible Ubax ee degmada Raf & Raaxo ee magaalada Boosaaso ayaa dilkiisa waxaa geystey kooxo ku hubaysnaaa baastoolado sida ay SBC u sheegeen dad goob joogayaal ah.

Marxuumka la diley ayaa ka soo baxay masjidka Shaafici ee xaafada  Raf & Raaxo oo uu ku tukuday salaadii Maqrib, wuxuuna ku socdey gurigiisa oo ku yaal deegaankaasi.

Dilka masuulkan ayaa ku soo beegmaya xili mudooyinkii ugu dambeeyey dilal qorsheysan ay ka aloosnaayeen magaalada Boosaaso & deegaano kale oo ka mid ah Puntland, kuwaasi oo ay geysanayeen dabley hubaysan.

Dilkii ugu dambeeyey ee ka dhaca magaalada Boosaaso ee loo geysto masuuliyiinta maamulka & amniga ayaa loo geystey Taliyihii ciidamada PSU ee ilaalinta hay’adaha Marxuum Mursal Xaaji Saleebaa kaasi oo dhaawac ka soo gaarey toogasho Boosaaso loogu geystey ugu geeriyoodey magaalada Gaalkacyo.

Deeqo Nuur Faarax (Billan)
deeqobillan1@hotmail.com