Koox hubaysan ayaa caawa ku diley magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug xeer ilaaliyihii maxkamada gobolka Mudug Marxuum Maxamuud Aw-Muuse Geelle.

Dilka marxuumkan oo ka dhacay xaafada Israac ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa la soo sheegayaa in kooxdii dilkaasi gaysatey oo ka koobneyd afar qof inay baxsadeen.

Wariyaha SBC ee magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in dilka xeerilaaliyaha loo adeegsadey baastoolado, iyadoo ciidamada Booliiska ay sheegeen inay wadaan baaritaan ku aadan dillkan.

Marxuum Geelle ayaa xilka xeerilaaliyaha maxkamada gobolka Mudug wuxuu qabtey bishii January ee sanadkan, xiligaasi oo dil caynkan oo kale ah magaalada Gaalkacyo ka dhacay lagu khaarijiyey Marxuum Daahir Maxamuud oo ahaa xeer ilaaliyihii maxkamada gobolka Mudug.

Dilkan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa ku soo aadayaa xili rabshado & dilal wajiyo kala duwan ay ka dhacayaan gobolka, iyadoo habeen hore koox hubaysan ay dad safar ah ku sii jeeday degmada Jariiban kuwaasi oo gaarigii ay la socdeen lagu rasaaseeyey duleedka tuulada Bali Busle.

Dilkaasi ayaa la sheegay inay fuliyeen koox dabley ah ka soo jeeda deegaanada Galmudug, dilkaasi oo uu ay cambaareeyeen maamulka Galmudug.

SBC News Desk