Warark naga soo gaaraya Degmada Wadajir Ee Gobolkan Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi Goordhow lagu dilay Godoomiye ku xigeenkii Amniga iyo siyaasada Ee Degmada Wadajir.

Allaha unaxariistee C/Fitaax Guure Barre ayaa dableey hubeeysan oo wata gaadiidka raaxada waxa ay ku dileen degmadaasi Wadajir Ee Gobolkan Banaadir.

Rasaas ayeey la eegteen Gaari uu watay waxaana halkaasi ku geeriyooday isga iyo darawalkiisii sida ay ku warameen Goobjoogayaal halkaasi ku sugan.

Ciidamada dowladda ayaa howl gallo ka wada xaafada Nasteexa iyo nawaaxiga Siliga Ameerikaanka, inkastoo aan la soo sheegin cid lagu soo qabtay, hadana wararka ayaa sheegayaa in intii howl galkaas socday uu falkan dilka ah dhacay.

Al-Shabaab ayaa durbaba mas’uuliyada weerarkan sheegatay, waxaana ay sheegeen in Guddoomiye kuxigeenka iyo ilaaladiisa ay dileen.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanayay dilalka ay dableyda hubeysan u adeegsadaan gaariga, waxaana horay loogu dilay Xildhibaano iyo saraakiil ciidan.

Ciidamo aad u farabadan oo katirsan kuwo dowlada Soomaaliy ayaa gaaray Goobta dilka uu ka dhacay kuwaasi oo halkaasi kawada Howlgalo.