Go,aankii qayaxnee ee qaldanaa ee kasoobaxay gudiga lataliya dowlada ingiriiska dhinaca daroogada ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan (ACMD ) ayaa ahaa mid ay gudigu ku timaameen inuu qaadku yahay balwad qafiif ah oo aan inaba wax dhibaataa ku hayn bulshada soomaaliyeed haday noqoto dhan caafimaad iyo arimaha bulshadaba.

Go,aankaas oo lagu tilmaami karo mid siyaasadeed oo huwan ujeedooyin kale lugna ay kuleyihiin dad aan kala jeclayn danta danyarta soomaaliyeed ayaa waxaa soo baxaya dhaliilo badan oo kasoo yeeraya dowlada ingiriiska oo xiligaan hada ah u muuqata mid aan ku qanacsanayn go’aanka iyo talada ay soo jeedisay (ACMD) waxaa kaloo soo iftiimaya qilaaf weyn oo soo kala dhexgalay gudiga dhexdiisa oo qaar kamidihi doonayaan in qaadka gebi ahaanba la madnuuco, kala qaybsanaan taas ayaa abuurtay shaki weyn oo gala dowlada ingiriiska oo iyadu leh go’aanka kama danbaysta ah.

Dhinaca kalena waxaa maalmahan kasocday  marfishyada iyo goobaha qaadka lagu gado dabaal degyo qaylo dheer,waxaana la bixinayey qaad bilaash ah ,debaaldegaas aan ku tilmaaney mashxarada marfishleyda ayaa wuxuu ahaa mid ay u dabaaldegayeen inay guuleysteen , laakiin waxaysan fahmin baa la’oran karaa in dagaalku weli socdo xaqa iyo baadilkuna marwalba uu guuleysto xaqu.

Dhinaca kalena waxaa tacsiyo  tiiraanyo leh isu dirayey marwooyinka Soomaaliyeed ee qaadku dhibaatda balaaran ku hayo guryahooda oo odayayadoodii i iyo curadyadoodiiba ku waayey .

Walaalahayga kale ee reer qaad ama reer marfishleyna waxaan leeyayah ayaan daro ayay idiin tahay inaad u dabaal degtaan oo ku digataan tiraanyada iyo murugagada marwooyinka Soomaaliyeed. Waana wax laga yax-yaxo oo nin damiirleh aanu samayn, waxaa kaloo yaab iyo ama kaag ah dumar mashxardaa la arki jireye ,waa maxay   ragiinan mashxaradaya iyagoo weliba afku u buuxo.

Gebagebadii hadaanu nahay bahda ladagaalanka qaadka waxaan ugu baaqaynaa hooyooyinka Soomaaliyeed inaysan niyad jabin ilaaheyna talada saartaan wadda ducada iyo taageerada , anaguna harsan mayno hoyana mayno ilaa aan ka gaarno yoolkeena aan hiigsanayno, una diyaar garooba mudaharaadkii ugu weynaa ee looga soo horjeedo go,aankii (ACMD)  oo dhici doona bisha febaraayo maalinkana gadaal ayaan kasoo sheegi doonaa, hadii alle idmo , guushana inakaa iska leh inshaalaah.

Abukar Awale ( Qadd-diid)
Gudoomiyaha la dagaalanka Qaadka