Xarunta laybareeriga ee magaalda garoowe waxaa lagu qabtay xaflada ballaaran oo ay ka Soo qayb galeen madax ka socotay dowlada puntland ,ururada bulshad arayidka ah ,Maamulka gobalka nugaal ,bahwaynta waxbarashada jecel iyo madax sare ee Hay’ada FAWASOM  oo ahayd hay’ada soo qaban qaabisay xafaldaani .

Ujeedada xafladaania ayaa ahayd furtaanka mashruuc cusub oo loogu tala galay in kor loogu qaado waxbarashada gabdhaha gaar ahaan kuwa ka haray waxbarashada iyo in loo sameeyo xirfado ay ku shaqaystaan.

Wasiir ku xigeen wasaarada waxbarashada ee dowlada Puntland A xmed  Aadan Cara oo ka mid ahaa madaxkii kadashay xafladaasi ayaa sheegay in uu yahay mashruucaani maid leh mu hiimad gaar aha maadaama wajahada lagu saarayo waxbarashda gabdhaha ,gabdhuhuna ay yihiin lafdhabarta bulshada qaybaheeda kala duwan wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in loo baahnayaha gabdhaha inlaga soo saaro guryaha laguna dhiiri galiyo inay siiwataan waxbarashadooda ilaa ay ka gaarayaan heer.

Axmed Aadan Carab ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in lagu dadaalo waxbaridda gabdhaha  xilliyada ay joogaan guriga iyo in wacyi galin joogto ah loo sameeyo si aysan uga hadhin waxbarashada caadiya ah wasiir ku xigeen waxbarashada puntland ayaa sidoo kale kula dardaaramay walidiinta iany waxbarashada u simaan il mahooda oo ay san kala hor marin gabdho iyo wiilal.

Sahro Siciid Nuur waa Madaxa hay’ada FAWSOM ee maanta daah furaysay mashruucaani  waxayna ka war bixisay u jeedada iyo  muhiimada uu leeyahay mashruucaani  iyadoona xustay ianay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashada gabdha iyo in loo sameeyo xirfado ay mustaqbalkooda ku shaqaysan karaan bulshada wax ugu qaban karaan ka dib marka ay waxbartaan sahra ayaa sidoo kal sheegtay in gabdha ay wax baraani ay yihiin gabdhiha ka haray waxbarashada.

Sahra ayaa sidoo kala wax badan ka sheekaysay taariikhada guud ee ha’ada FAWASOM meelaha ay ka shaqayso iyo waxa uu u taaganyahay magaca ururkooda FAWA  {Fouram For African Woman Aducation List} Sahra sciid ayaa sheegtay in ururkaan la asaasay naanadii 1992 sal dhigiisuna uu yahay magaalda Nairobi ee caasimada wadankaasi Kenya u jeedada loo asasayna ay ahayd  sidii loo huru marain lahaa waxbarashada haweenka iyo gabdha ku nool qaarada Africa .

Asaaskii kadib ururku waxaa uu u sii fidayay si tartiibtartiib ah waxaana uu haatan ka shaqeeyaa ilaa 37 wadan oo African ah somaliyana waxa a ka mid atahay wadamadii ku biiray ururkaasi Sanadadii ugu danbeeyay.

Ururka FAWASOM waxaa laga furay wadanka somaliya sanadii 2006dii iyadoona Puntland ay nasiib u yeelatay in laga furay xafiiskii loogu talagalay soomaaliya waxana laga furay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalkaasi Bari kadibna waxaa loo soo raray magaalda Garowe ee Caasiamda Dowlada Puntland Halkaasi oo uu si oos ah uga shaqeyo .

Sahra yaa sheegtay in waxyaabaha ugu way nee ay awooda saareen ay ahayd sidii ay gabdha ka haray waxbarashda ay ugu heli lhaayeen in schooler ship gabdhahaasi oo ah ku wa qoysaskoodu yihiin danyarta “waxaan aku guulaysanay inaan hay’ada diakonia ka halnay 150 gabdhood ilaa 8 iskuul yaan ku bilownay waxayna dhammaan gabdhahaan qaadanay ahaayeen gabdho ka yimid barakacayaasha iyo qoysaska danyarta ah anagoona facekii labaad gaarsiinay ilaa 300 oo gabdhood oo helaya waxbarasho lacag la’aan ah” ayay tiri sahra oo kahdlay furitaankii masruucani..

Madaxa hay’adaasi ayaa sidoo kale xustay in ay qorshaha ugu inay gaaraan gobalda sool iyo sanaag iyo waliba maamulka Gal Mudug waxaana hada gaarsiinay ilaa 900 boqol oo Gabdhood oo helaya waxbarasho Dugsi Hoose Dhexe iyo waliba Sare sahra ayaa sidoo kale sheegtay inay wiilalna ku jiraan dadka ay waxbarayaan maadaama bay tiri ay in badan Nala waydiiyay inaan waxbarno oo kaliya Gabdhaha.

Mashruucaan cusub ee ay maanta furtay Hay’ada FAWASOM ayaa waxaa uu fursad siinayaa gabdhaha ka haray waxbarashad uga haray siyaabo kala gadaisan sida in la Guursaday ,inay iska bixin wayday lacagtii iskuulka amaba ay jiraan caqabado kala gadisan oo ku khasbay gabdhahaasi inay sii wadi waayaan waxbarashadoodii sahara madaxa Hay’ada FAWASOM ayaa sheegtay in mashruucaani horay loogu soo tijaabiyay ilaa dhowr wadan oo african ah kuwaasi oo soomaray dagaalo uuna uga hirgalay si wanaagsan ,Somaliyana uu hada u hirgalay walow bay tiri uu wali jiro dagaalkii gudaha wadanka soomaaliya waxaana ka faa’iidaysanya  mudad uu socdo mashruucaani ilaa 150 Gabdhood oo labarayo xirfado ay ku shqaystaan ayna uga sii faa’iideeyaan Bulshad aqaybaheeda kala gadisan.

“gabdhaani ka faa’iidaysanaya mashruucaani waxa ay ka imanayaan dhammaantood qoysaska saboolka ah” waxaa sidaasi tiri sahra siciid waxayna intaasi ku dartay in mashruucaani uu yahay mid xooga saaraya in gabdhaha la baro korontada iyo makaanikada waana mid aysan soomaalidu horay u aqoon in ay qabtaan dumarku “non traditional profisions” taasina ay ku adkaatay in ay ka fuliyaan gudaha wadanka soomaaliya balse taa badalkeda ay u sameeyeen xirfado laga yaqaan gudaha soomaaliya sida maamulka iyo maaraynta iyo habmaamulka xafiisyada .

waxaa iyana goobta ka hadlay mas’uuliyiin ka socotay Dowlada Puntland wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga iyo warshadaha ee Puntland oo ka mid ahaa madaxdii lagu casumay furitaankii shirkaasi ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo mashruucaan ay maanta hay’adu daah furtay isagoona xusay in maanta soomaaliya ay ku jirto marxaladii labaad oo ah in meel walba lagu hadal hayo xaalda ay maanta ku jirto soomaaliya taasina ay wax ka badali doonto guud ahaanba xaalada adag ee uu maanta wadanku ku sugan yahay wasiir ku xigeenka ayaa intaasi raaciyay in wax barashada gabdhuhu ay tahay mid  muhiim ah loona baaahanyahay in kor loo qaado lalana shaqeeyo cid kasta oo arrintaasi gacan ka gaysanaysa.

tan iyo markii ay meesha ka baxday xukuumadii dhexe ee wadanka soomalaiya waxaa iyana meesha kala baxay guud ahaanba adeeg yadii arrimaha bulshada oo ay ugu horreeyaan waxbarashad aiyo caafimaadka balse waxaa muuqanaysay muddooyinkii danbe in horumar ballaaran laga samaynayay koru qaadida waxbarashada iyadoona ay arrintaasi ka qayb qaadanayaan ururada aan dowliga ahayn ee ka shaqeeya gudaha soomaaliya iyadoona ururka FAWASOM uu ka mid yahay ururada u ololeeya waxbarashada guud ahaan gaar ahaan tan gabdhaha.

Yusuf Maxamed Maxamuud {yusuf yare}
SBC International Garoowe