Masuuliyiin reer Masar ah ayaa sheegay in weerar lala beegsaday goob amaan sugid ,oo u dhow wadada tagta kaniisada St. Catherine, ee koonfurta gobolka Siinay, shalay gelinkii denbe.

Weerarkana yaa sababay in uu askari ku dhinto 4 kalena ay ku dhaawacmaan.

Wasaaradda gudaha ee dalkaasi Masar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in koox burcad ah ay weerar ka soo qaadeen dusha sare ee buuraha ka agdhow check pointi-ga

Bayaanka ayaa lagu xusay in ciiidankii goobtaasi ku sugnaa iyo dablaydaas ay is dhaafsadeen rasaas, deetana dablaydaas lagu khasbay in ay goobtaa isaga cararaan.

Ururka lagu magacaabo khilaafada Islaamka ayaa sheegatay masuuliyadii gaadmada milatari ee lagu qaaday ciidamada ku sugnaa check pointiga.

Weerarkan ayaa imaanaya kadib markii 10 maalmood uun ay kasoo wareegatay, weeraradii lagu qaaday labada kaniisadood ee Danda iyo Alexandria, weerarkaas oo galaaftay nolosha 46 qof.

Madaxwaynaha Masar Abdifatah Sisi ayaa isaguna xaaladaa dabadeed ku dhawaaqay in dalka lageliyo xaalad degdeg ah muddo sadex bilood ah.