Masar Oo Ka digtay Rabshado kahor wareega Labaad ee Doorashada

Cairo:- Wasiirka garsoorka masar ayaa amar k siiyey sirdoonka iyo booliska u tababaran qaabka melateriga in ay xirxiraan shakhsiyaatka  dibad bax ku sameeya wadooyinka maalma ka hor wareega labaad ee doorashooyinka madaxtinimo taasi oo ciidanku sheegeen in ay si kulul uga jawaabi doonaan wax kasta oo kabaxsan qaanuunka.

Talaabadan ayaa waxaa cambaareeyey 17 urur kuwaasi oo la socon doona xuquuqda codbixiyaha ee malatariga loogu amray in ay qabqabtaan mar alla markii mudaaharaad lagu sameeyo wadooyinka.

Shakhsiyaat katirsan ururka ikhwanul Muslimiin ayaa sheegay in ay isugu soo bixi doonaan wadooyinka haddii uu Axmed Shafiiq ku guuleysto madaxtinimada dalkaasi kaasi oo ahaa ra’iisal wasaarihii ugu dambeeyey xilligii madaxweynihii xilka laga tuuray Xusni Mubaarak.

Horaanta toddobaadka soo socdo ayaa la filayaa in Dalka Masar looga dareero ka wareegga labaad ee doorashadii ugu horeysay oo xor ah kaddib 15-bilood markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore Masar Xusni Mubaarak.

50-milyan oo qof ayaa la sheegay in ay tagi doonaan goobaha cod bixinta, si codkooda u dhiibtaan.

Doorashadan oo socon doonta laba maalmood ayaa waxa ka qeyb galaya labada musharax ee ka soo gudbay wareega koowaad ee doorashada madaxtinimada dalkaas Axmed Shafiq, oo ahaa ra’iisal wasaarihii ugu dambeeyay ee markii awooda laga tuuray Xusni Mubarak horeyna u ahaa Genaral ciidamada iyo ninka u taagan xisbiga hadda awooda ku leh baarlamaanka Ikhawaanul Muslimiinta Maxmaed Mursi, .

Dadka Reer Masar ayaa dooranaya hoggaamiyaha ay doonayaan markii ugu horeysay shan kun oo sano.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC international Monitoring

Daalacatey :478

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print