Isbedel weyn oo dhanka siyaasada ah ayaa siweyn loogaga dareemayaa gudaha magaalada Muqdisho taasi oo ku aadan ol oleynta doorasahada madaxtinimada ee ay wadaan musharixiinta iyo Soo xulista Baarlamanka cusub ee ay iska bar bar wadaan siyaasiyiin dowlada ka tirsan iyo kuwo kale oo isu soo taagaya xilalkaas,

Dadweynaha Muqdisho ayaa iyana dhankooda muujinaya la qabsiga siyaasadaha cusub ee soo kordhay, waxaana muuqaneysa in dadku ay taageerro kala duwan u muujinayaan musharixiinta iyagu warbaahinta ka shaacinaya in ay u taagan yihiin kursiga madaxweynaha DKMG ah.

Hadal heynta ayaa gebi ahaanba ah tartankan u dhexeeya siyaasiyiintan Soomaaliyeed ee soo ifbaxay.

Waxaa iyana dhankeeda howsha ka wada dowlada KMG ah ee Soomaaliya oo iyadu soo saareysa go’aamo kala duwan oo ku aadan marxaladahan la guda galay waxaana ay dowladu go’aano ka soo saartay olole yaasha ay musharixiinta hadba soo kordhaya ka wadaan magaalada muqdisho.

Shalay ayay aheyd markii ay dheceen dhacdooyin naxdinleh ka dib markii ay isku dheceen ciidan dowlada ka tirsan iyo kuwo iyagu ilaalo ka hayay mid ka mid ah musharixiinta isa soo sharaxay , waxaana uu sababay isku dhacaasi geerida dad rayid ah oo taageerayaal ahaa.

Waxaa sidoo kale jira oo siweyn loo wada sugayaa go’aamada ka soo baxa gudiyada Farsamada ee u xilsaaran soo xulista Baarlamanka cusub ee ay yeelan doonto dowlada Soo socota taasi oo ay howsheeda soconeyso.

Waxaa sidoo kale maanta ku beegnaa xiligii loo qabtay gudiga oo ku aadanaa in ay ku soo dhameystiraan xubnaha baarlamanka balse howshaasi dib ayay u dhacday, waxaanu gudigu sheegay in aanay weli soo dhameystirmin xubnaha baarlamanka balse ay soconeyso howsha lana filayo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo dhameystiro baarlamanka islamarkaana loo dhaariyo xilkooda .

SBC International Muqdisho