Hal nin ayaa ku dhintey hantina way ku burburtey ka dib markii maroodiyaal careysan ay ku dhex ordeen wadooyinka magaalada Mysore ee ka tirsan gobolka Karnataka ee ku yaal Koonfurta wadanka Hindiya.

Maroodiga gees galinaya fatuurad

Maroodiyaasha oo soo baxdey dhul baadiye ah oo ku yaal duleedka magaalada ayaa sidoo kale diley laba neef oo lo’o ah.

Maroodiga oo nafta ka qaaday nin 55 sano jir ah

Ninka dhintey oo 55 sano jir ah ayaa waxaa ku durduriyey oo waliba ganafka ku qaatey mid ka mid ah maroodiyaasha iyadoo ninka dhintey maroodigu darbi & dhulka si arxan ugu garaacay.

Wasiirka waxbarashada ee gobolka Karnataka SA Ramdas ayaa sheegay in ay goobaha waxbarashada sida Iskuulada & Kuleejooyinka ay xiran yihiin.

Ciidamo Booliis ah oo fara badan ayaa la soo dhigey wadooyinka iyadoo dadka loo sheegay inay taxadaraan, iyadoo Booliiska ay doonayeen inay qabtaan labada maroodi ee baxsadka ah ee gacan ku dhiigalayaasha ah.

Maroodiyaasha oo magaalada xaaladeeda kiciyey ayaa magaalada gabagabeeyey mudo 3 saac ah, waxaase loo yeertey oo la dalbadey kooxo ugaarsadayaal ah oo laga keenay xerada lagu xanaaneeyo xayawaanka ee Mysore Zoo kuwaasi oo ugu dambeyntii ku guuleystey in qabtaan labadii maroodi ee careysnaa.

Maroodiyaashan ayaa la sheegay inay ka caroodeen dhulkii ay ku noolaayeen oo dad ay ku qamaameen taasi oo keentey in maroodiyaashu ay si caro leh u soo abaareen magaalada.

 

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com