Dagaaalada ku saleysan dhul daaqsimeedka, dhulka kheyraadka ku dihan yahay sida Shidaalka iyo dhul-beeraadka iyo waliba dhulka kale ee muhiimka ah ayaa inta badan isku qabsigiisu wuxuu ka dhex taagnaa Aadanaha oo mudo qarniyo dagaal naf iyo maal badani ku baxay uu ka ka dhex aloosnaa, waxaa kale oo qayb ka ah dagaaladaasi kuwa dhexmara aadanaha iyo xayawaanka.

Laakiin noolaha kale ee bini’aadamka aan aheyn in uu dagaal ka dhex dhacaa waa mid dhif iyo naadir ah waxaanse ka marneyn in xayawaanku ama noolaha kale isu awood sheegto sida bini’aadamka baaruuda qaraxda, bambooyinka, baabuurta gaashaan, diyaaradaha iyo nukliyeerka uu isagu awood sheegto.

Hadaba dagaal la yaab leh oo waliba saxaafadu si weyn u hadal hayso ayaa dhawaan ka dhex qarxay raxan maroodiyaal ah iyo boqolaal kun oo shimbiro ah kuwaasi oo maroodiyaasha ka difaacanayey deegaano ay ku haysteen dhul qaasimeed iyo waliba biyo ayna u sii dheereyd dhir ay ku hoydaan ama harsadaan.

Shimnbaraha oo nabad ku naaloonaya ayaa waxaa xoog iyo awood isku dayey inay sheegtaan raxan maroodiyaal ah oo malaha is tusay inay si fudud u sal kicin karaan shimbaraha qaaq-qaaqleh, waxaase talo faraha ka baxdey markii shimbirihii isku habar wacdeen oo ay jilibka u aasteen inay ku mintidaan maroodiga doolka ah ee duulaanka ku soo qaaday deeganadooda.

Dhacdadan oo ka dhacdey beerta ugu faca weyn uguna baalaran dalka Kenya ee lagu magacaabo Tsavo East National Park kuna dhaw tuulada Voi ee degmada Taita-Taveta ee gobolka xeebta dalka Kenya.

Shimbaraha oo aad ah kuwa aad u yar yar culeys ahaan aan ka badneyn 10 gram waxay isugu yimaadeen geed ka agdhawaa ceel biyoodka Satao Camp ee ku yaal beertaasi, waxaase shimbriaha miisanka yari tiro badnidoodii ay keentey in uu jabo qayb ka mid geedihii ay ku degeen ee ay isku urursanayeen.

Mudo yar ka dib shimbaraha oo tiradoodu lagu qiyaasay 1.5 milyan (Hal milyan & shan boqol kun) ayaa waxay weerer ku ekeeyeen maroodiyaashii taasi oo keentey in ay baqo carar galaan intii badneyd maroodiyada waxaase jilibka laabay laba ka mid ah.

Shimbiraha oo ay ka taagneyd ceelkaasi yaan la idinka qabsan ayaa dagaal saf balaaran ah oo quus ah ku qaaday labadii maroodi ee is adkeysay, waxaana durbadiiba baqo cararay mid ka mid ah labadii maroodi, laakiin shimbirihii waxay isagu tageen oo ay nafta agdhigeen maroodigii ma quustaha, iyagoo ugu dambeyntii ka qabsadey goobtaasi.

Sawir qaade Antero Topp oo 60 sano jir ah oo ku sugnaa ceelka Satao Camp markii ay xiisadu dhacdey ayaa soo sawiro iyo muuqaalo kala duwan wuxuu ka qaaday iska horimaadkii dhexmarey shimbaraha iyo maroodiyeyaasha, isagoo sheegay in ay maqleen qaylada iyo gurxanka shimbaraha oo is qabsadey masaafo cir iyo dhul isku xiran oo gaaraysa garoon oo kubada cagta ah ama diyaarad Jumbo Jet ah, isla markaana dhulka mugdi ka dhigay.

Tani waxay muujinaysaa in kala xoog weynaanto iyo awood isu sheegashadu inay ku xiran tahay in midnimo ahaan hadii loo wajaho laga guul keeni karo, isla markaana cududa mideysan ay wax kasta qaban karto.

 

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com