Markabki Soo Qaaday Qaxootiga Ee Ka soo Shiraacday Dekeda magaalada Mukala ee Dalka Yemen ayaa soo gaaray Dekedda Magaaladda Boosaaso, Waxaanna Dadkan Qaxootigaa La socday Xumno Ka Tirsan Safaaradda yemen ee dalkaasi, Kooxo Caafimaad, iyo Saxafiyiin.

Markabka oo ay saaranyihiin dad aad u fara badan oo dhibaatooyin kale duwan yemen ku heystay kuwaa oo saameyn ku yeeshay dagaalada u dhexeeya Dowladda Yemen iyo kooxaha ka horjeeda, ayaa waxaa dadkaasi ay isugu jiraan haween,waayeel,caruur, iyo dhalinyaro oo ay ka muuqato diif sida Uu Noo Xaqiijiyay Gudoomiyaha Gudiga Oo Ka qeybqaadanayay Barnaamijka Saaka iyo SBC Ee Warbaahinta Caalamiga ah ee SBC International,

Qunsulka Soomaaliya ee Dalka Yemen Axmed Suudaani oo qeyb ka ahaa mas’uuliyiinta maamulaya markabka ee dadkaasi ka soo qaaday Yemen , Waxaanna isaga iyo Masuuliyiin Kale si Gaar Gaar Ah Loo Dajiyay Hotello Ku Yaalla Magaaladda Boosaso Ee Xarunta Gobolka Bari.

SBC Online.

La soco faah faahinta Insha alaah.