Markab weyn oo ah nooca saliida qaada ee loo yaqaan Oil Tanker oo ku gooshaya calanka wadanka Liberia ayaa ku gubanaya badda Gacanka Cadmeed ka dib markii dab uu ka dhashay rasaasta qoriga garabka laga rido ee baasasuukaha (RBG) oo ay ku rideen koox shufto badeed Soomaali ah oo isku dayey inay markabkaasi qabsadaan.
Markabkan oo lagu magacaabo MT Brilliante Virtuosoa ayaa burcad badeedu waxay ku weerareen isagoo gooshayey xeebaha wadanka Yemen, waxaana ay la dhaceen rasaas qoriga RBG iyagoo dusha uga baxay, laakiin dab xoogan oo ka dhashay rasaastaasi ayaa uuro & qiiq isku darey, taasi oo keentey in kabtanka markabka uu amar ku bixiyo xaalad nabadgalyo markabka laga wada dego waxaana markaasi ka dib burcad badeedii & shaqaalihii ay ka daateen markabka, iyadoo shaqaalaha markabka oo ka koobnaa 26 qof oo u dhashay wadanka Filipiin ay dabka kaga baxsadeen doonyaha loo yaqaan Life boat ee xaaladaha deg deg ah loo adeegsado.

Shaqaalihii markabka ayaa waxaa goor dambe badbaadiyey markab dagaal oo Mareykanka laga leeyahay oo lagu magacaabo USS Philippines CG 58 oo hawlgal ilaalo ah ka wadey xeebahaasi, waxaana taliska ciidamada la dagaalanka burcad badeedu ay sheegeen in kooxda shufto badeedu ay baxsadeen markii uu halkaasi yimid markabka dagaal.
Shirkada maamusha markabkaasi ee lagu magacaabo Central Marr Inc fadhigeeduna yahay wadanka Gariiga ayaa shaacisey in galabta oo khamiis ah shaqaalaha markabka iyo kooxo gurmad ay ku guuleysteen inay damiyaan dabkii isla markaana haatan markabka laga shaqeynayo qaybaha korontada gaar ahaan qaybta qaboojinta oo waxyeelo soo gaartey.

Keyse Caamir
SBC Monitoring