Dawlada Iiraan ayaa maanta soo saartey digniin culus oo ku wajahan guluf military oo uga yimaada Mareykanka & UK, waxaana ay sheegtey in ay diyaar u tahay weerar kasta oo lagu soo qaado.

Wasiirka arimaha dibada Iiraan Ali Akbar Salehi ayaa sheegay in Tehran ay u diyaargarowday sidii ay u ciqaabi laheyd colaad kasta oo lala damacsan yaahy.

 “Mareykanku nasiib daro waxay lumiyeen caqligii & taxadarkii ay ku waji laheyd amuuraha caalamiga ah, waxay isku xireen oo kaliya awood” ayuu yiri Akbar oo booqanayey maanta magaalada Benghazi ee dalka Liibiya.

“Dabcan waxay u nahay diyaar waliba halka ugu dambeysa, waxayse ila tahay inay laba jeer ka fakaraan inta aanay isbahaysio soo wadan oo aanay soo hujuumin Iiraan” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Wareysi kale oo uu siiyey Mr Salah wargeyska Hurriyet ee dalka Turkiga ka soo baxa ayuu ku yiri “IIraan mar kasta waxay u aheyd diyaar dagaal, Iiraan waxay kala kulamaysay hanjabaad Isra’il, tanina ma ahan wax nagu cusub, waxaynu maqleynay mudo 8 sano ah hajnabaada Isra’il” ayuu yiri wasiirka arimaha dibada Iiraan.

Wasiirku oo ka hadlayey kalsoonida Iiraan ee la xiriirta dagaal lagu soo qaado wuxuu mar kale yiri “Qarankeenu waa mideysan yahay xididadiisuna waxay ku xiran yihiin taariikhdeena, hanjabaadaha caynkan ahna ma ahan kuwa nagu cusub, aad ayaan ugu kalsoonahay nafteena, waynuna difaaci karnaa dalkeena”.

Hadalka Iiraan ayaa wuxuu imaanayaa ka dib markii uu soo baxay war sheegaya in Mareykanka & Ingiriiska ay qorsheynayaan guluf dagaal oo ka dhan ah Iiraan ka dib markii la helay xog ku aadan in Iiraan ay horumarin ku hayso quwada hubka gumaadka gaysta ee nuclear-ka.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa isaguna geestiisa wuxuu sheegay inNuclear-ka Iiraan uu qatar balaaran ku yahay amaanka gobolka.

Ra'isalwasaraha UK Cameron & Madaxweyne Obama

Hay’ada quwada atoomikada calaamiga ah ee aduunka The International Atomic Energy Agency (IAEA) ayaa sheegtey inay diyaarinayso sidii ay shaaca daaha uga qaadi laheyd hawlaha sirdoon ee la xiriira hawlaha Iiraan ee hubka nuclear-ka.

Mareykanka, Britain & Faransiiska ayaa ka doonaya hay’ada IAEA inay la wadaagaan macluumaadkaasi sirdoon, balse wadamada Ruushka & Shiinaha ayaa iyaguna ku cadaadinaya IAEA in ay dib u dhigto warbixintaasi ama ay gabi ahaanba burburiso.

Maalinimadii shaley Isra’il waxay shaacisay inay si buuxda ugu guuleystey in ay tijaabiso gantaal xambaari kara hubka nuclear-ka, kaasi oo duqeyn kara wadanka Iiraan.

Ra'isalwasaaraha Yuhuuda Netanyahu

Ra’isalwasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu & wasiirkiisa difaaca Ehud Barak ayaa la xaqiijiyey inay ka shaqeynayaan qaabkii loo weerari lahaa dawlada islaamiga ah ee Iiraan.

Warar warbaahinta Britain ay baahiyeen ayay ku sheegeen inay u badan tahay dawlada UK inay ku biirto hinsaha Mareykanka ee uu duulaan ku qaado Iiraan, iyadoo wasaarada Difaaca UK lagu sameeyey qarash dhimis la xiriirta dagaalka Afghanistan & Libya.

Sirdoonka reer Galbeedka ayaa sheegay in Iiraan ay qarinayso qalab si fudud ugu adeegsan karto farsameynta hubka Nuclear-ka, iyadoo Iiraan ay sameysay dhufaysyo waa weyn oo ay ugu tala gashay inay ku qariso hubkeeda nuclear-ka kuwaasi oo aanay waxba ka tari karin gantaalaha duulaanka.

Barack Obama waxaa laga fahmayaa in uu aanay u qorsheynsneyn duulaan uu ku qaado dalka Iiraan isagoo xiligan isu diyaarinaay in uu u tartamo xafiiska madaxweynaha waqtigii labaad sanadka soo scda, balse Washington waxaa la leeyahay waxaa si fudud ugu qalqaalin karta dagaal Isra’il, hadii aan la dhameyn sameysashada hubka halista ah ee Iiraan.

Warar laga helay dhanka xafiiska Ra’isalwasaaraha Yuhuuda ayaa sheegaya in Netanyahu uu ka wado olale golahiisa wasiirada dhexdooda sidii uu u heli lahaa cod ku aadan in duqeyn dhanka cirka ah lagu qaado Iiraan, inkastoo taasi ay ku lamaansan tahay in jawaab aargudasho ah ay ka timaado Iiraan.

Madaxweynaha Iiraan Ahmednjad

Madaxweynaha Mr Ahmadinejad wuxuu dafiray in wadankiisu uu sameysanayo hub nuclear ah, balse wuxuu sheegay in Nuclear-ka dalkiisu uu yahay mid nabadeed oo loo adeegsanayo horumarinta wadanka sida quwada warshadaha iyo soo saarista Saliida.

Inkastoo Iiraan lagu eedeynayo in ay hubka nuclear-ka ah sameysanayso hadana waxaa taasi barbar socota dhisida quwada military.

Warar laga helay gudiga dib u eegsita dhaqaalaha Mareykanka & Shiinaha waxay shaaciyeen in Shiinuhu uu 312 bilyan oo doolar oo uu hub uga iibiyey Iiraan, taasi oo ka dhigaysa wadanka labaad marka laga soo tago Ruushka.

Tan iyo markii Ruushku uu gaabiyey hubka uu ka iibiyo Iiraan sanadkii 2008-dii Shiinuhu wuxuu noqdey wadanka ugu balaaran ee hubka Iiraan siiya.

Hubkii ugu dambeeyey ee Shiinuhu uu ka iibiyo Iiraan ayaa waxaa ka mid ah gantaalaha C-802 kaasi oo Shiinuhu uu ka balanqaaday sanadkii 1997-dii Mareykanka in aanu ka iibin Iiraan.



Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com