Washington:-Xukuumadda mareykanka ayaa shaaca in ay u gudbisay golaha amaanka qaraar ogolanaya in 4200 askar Ethiopian oo nabad ilaalin ah loo diro deegaanka Abyeey ee dalka Sudan.

Safiirka mareykanka ee QM Susana Rice ayaa sheegtay in xukuumadda mareykanku ay ka walwalsan tahay xaladda bani’aadimnimo ee koonfurta Kurdufan oo ah gobol ku yaal woqooyiga Sudan xadka koonfureed.

Madaxweynaha mareykanka Brack Obama ayaa sheega in xaaladda koonfurta Kurdufaan ay tahay mid halis ah.

Rice ayaa tilmaamtay in ay ku rajo weyn tahay in golaha amaanka uu si deg deg ah uu u meelamriyo maadaama qaraarkan uu yahay mid u gogol xaarayo dhisitaanka ciidamo hoostaga QM oo ka howlgala deegaanka Abyeey.

Rice waxa ay ka gaabsatay in ay saadaal kabixiso waqtiga uu qaadanayo qorshahaan balse waxa ay ku soo koobtay in habeen iyo maalin uusan ku dhameystirmayn.

QM ayaa u dirtay ciidamada ka jooga Sudan deegaanka Abyeey ee ay ku muransan yihiin labada dhinac, balse dublumaasiyiin katirsan QM ayaa sheegay in ciidamadaas ay ku fashilmeen ilaalinta shacabka ku nool deegaankaas.

Xoghayaha arrimaha dibadda mareykanka Hillary Clinton ayaa soo dhoweysay heshiiskii dhinacayada Sudan ay ku gaareen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Clinton ayaa sheegtay in heshiiskaas uu yahay talaabo muhiim ah balse imtixaanka dhabta ah uu yahay sidii loo fulin lahaa dhamaan qodobadii ku saabsanaa heshiiskan.

Hillary Clinton waxa ay intaas ku dartay in dalkeeda uu kala shaqeyn doono golaha amaanka sidii uu u soo bixi lahaa qaraar ku aadan ciidamo ka socda dalka Ethiopia oo si deg deg ah loo geeyo Abyeey.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring