Xukuumada Mareykanka ayaa daaha ka rogtey aalad qatar ah oo dilaa ah oo loogu talagalay la dagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee ka qawleysanaya xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo afduub ku haya maraakiibta ganacsiga iyo kuwa tamashlaha ee goosha baddaha Soomaaliya iyo kuwa calaamiga ah.

Aaladan aha ayaa shucaac dilaa ah kaasi oo la sheegay in lagu burburinayo doonyaha dheereeya ee ay adeegsadaan kooxaha shufto badeeda ee ay ku afduubaan gaadiidka badda,

Michael Deitchman oo Madaxa ka ah Xafiiska Cilmi barista ciidamada badda Maraykanka ayaa sheegay inay ku guulaysteen tijabaada shucaaca laser-ah kadib markii  ay burburisay Matoor ku xirneyd doon lagu tijaabinayay shucaacaasi, isagoo intaasi ku daray in tijaabdaasi ay  ka dhacday xeebaha Gobolka Californian ee wadanka Mareykanka.

Deitchman ayaa waxa uu cadeeyay in shucaacani laser-ka ah uu awoodu u leeyahay in uu wax ka dilo meel ka fog hal Meyl, waxaana uu sheegay in iminka ay awoodaan inay badbaadiyaan doon waliba oo ay u arkaan inay wataan burcad badeed.

Talaabada dawlada Mareykanka ay ku soo saartey qalabkan ayaa ku soo aadayaa iyadoo dhawaan iska horimaad ka dhacay xeebaha Soomaaliya ay ku qurbaxeen afar qof oo Mareykan ah iyo laba nin oo Soomaali ah oo lagu sheegay inay ahaayeen ragii afduubka u haystey dadkaasi.

Fartuun Cali Axmed
SBC International