Dawlada Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartey waxay kaga hadashay mowqofkeeda ku aadan magaabsita Ra’isalwasaaraha cusub ee DKMG Soomaaliya ee uu shaley ku dhawaaqay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Warsaxaafadeed  ka soo baxay dawlada Mareykanka oo safaarada Mareykanka ee magaalada Nairobi SBC ku soo gaarsiisey fariimaha Internet-ka ayaa lagu sheegay in xukuumada Mareykanka ay soo dhawenayso magacaabista Dr. Cabdi-Wali Maxamed Cali in loo magacaabo Ra’isalwasaaraha xukuumada KKG Soomaaliya.

“Waxaa na dhiirgaliyey sida dhakhsiyaha leh ee Madaxweynaha Dawlada Federaalka KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu u sameeyey magaabistan, dawlada Mareykanka waxay xoojinaysaa la shaqeynta Cabdiwali, si la mid ah sidii ay aynu u taageeraynay qorshihii nabada Jibuuti iyo dhameystirka hawlaha waxqatiga kala guurka” ayaa lagu xusey warsaxaafadeedka.

“Dawlada Mareykanku waxay ugu baaqaysaa baarlamanka FKMG in ay taageeradooda buuxda siiyaan Ra’isalwasaaraha & xukuumadiisa cusub” ayaaa lagu yiri bayaanka.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in dawlada Mareykanka ay mar kale ku celinayso sida loogu baahan yahay in deg deg lagu dhaqan galiyo mirihii ka soo baxay heshiiskii Kampala isla markaana iyadoo lala kaashanayo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay la isku raaco in mudo 12 bilood gudahood la gaaro yoolka la isku raacay, kuwaasi oo ay ka mid yihiin dhameystirka dastuurka qabyada ah, xisaab celin dhaqaale oo wanaagsan, dib u habeynta Baarlamanka FKMG & hay’adaha kale ee dastuuriga ah.

Dawlada Mareykanka waxay kaloo ku sheegtey bayaankeeda in ay ku baaqayso in la sii wado isbadalka lagu sameynayo hay’adaha amaanka, isla markaana la ilaaliyo guulihii military ee ugu dambeeyey ee laga gaaray hawlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, xalka siyaasadeed, & arimaha dib u heshiisiinta ka hor doorashooyinka bisha August 2012-ka.

Sida uu qabo heshiiska Kampalka waxaynu rajeynaynaa in shirka wadatashiga Soomaaliya in uu dhaco ka hor bisha July, kaasi oo ay u dhan yihiin dhamaan dhinacyada siyaasadeed ee lagama maarka u ah kuwaasi oo ay ka mid yihiin Somaliland, Puntland, Galmudug, Ahlu Sunna Wal Jama’a (ASWJ). 

“Waxaynu taasi ku xoojinaynaa in dawlada FKMG  in wadatashiyo dhab ah oo kalsooni leh ay la sameyso gobolada, Ahlu Sunna (ASWJ) & ururada bulshada rayidka” ayaa lagu soo gunaaday warsaxaafadeedkan. 

Halkan ka akhri warbixintan oo Af English ah oo SBC daabacdey

Keyse Caamir
SBC News Desk