Generalka ciidamda cirka dowlada mareykanka mr Norton Sherts ayaa shaaca ka qaaday in ey wadaan dadaalo lagu dardar galinayo howlgalada ladagaalanka waxa loogu yeero argagixisada isagoo sheegay in ay ambaaqadeen iskaashiga caalami ka dhexeeya dowladaha bariga afrika sida dowalada Ethiopiya iyo Kenya kuwaas oo mareykanka ka caawiya ilaalada xuduudaha iyo dhinaca hawada. Sarkaalkan ayaa tilmaamay in Dowlada Eretera ay jabisay cunaqabateyntii qaramada midoobay ee dhanka hubka ee lagusoo rogay dalka Somaliya, waxaanu yiri Eretera waxaa ay ugasii dareysaa deganaasha Somaliya isagoo ku eedeyay in hub sharci daro ah ay soo galiyaan gudaha dalka Somaliya sida uu hadalka u dhigay.
 
Dowaldaha Afrika iyo anaga waxaan iminka leenahay wadashaqeen iyo iskaashi buuxa waxaana rajeynayaa in taasi ay keeni doonto horumar dhinaca xasiloonida ah oo laga gaaro fowdada ka jirta dalka somaliya taasoo gacansiineyso kooxo uu sheegay iney yihiin dagaalyahano ajaaniib ah oo kusoo ququlaya wadanka Somaliya si ay uga qeybqaataan dagaalada ka holcaya gayiga Somaliya.
 
Wasiirka arrimaha dibadda dowlada Ethiopiya ahna raisul wasaare ku xigeenka wadankaasi Xelimaryam Desseleg ayaa isna ka codsaday xukumada Obama iney isgarabtaagto dadaalada midowga Afrika ee ka dhanka ah argagixisada isagoo geestakalena ku amaanay taageerada qotoda dheer ee mareykanku uu siinayo wadamada ku midoobay urur goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika kuwaas si wadjir ah u fuliya howlgalada dhinaca milatry ee AMISOM.
 
Howlgalka AMISOM iyo kan ladagaalanka burcad badeeda ee ay hogaamiso Nato waa mid muujinaya isku duubnida dowldaha aduunka si ay u xaqiijiyaan xasiloonida gobolka geeska Afrika oo ay ragaadsadeen afkaarta xagjirnimada iyo kooxo burcad badeed aan cidina ka amarqaadan ayuu yiri Norton.
 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:0025261-5573321
00252699995088