Dawlada Mareykanka ayaa la sheegay inay qorsheysay saldhigyo cusub oo ay u adeegsan doonto weerarada dhanka xaga cirka ah oo la qorsheynayo in lagu qaado Soomaaliya & Yemen gaar ahaan xoogaga Mareykanku uu ku raad joogo ee ka mid ah Al-Shabaab & Al-Qaacida.

Wargeyska Washington Post ee ka soo baxa magaalada Washington ayaa ka soo xigtey sarkaal hore oo ka mid ahaa ciidamada Mareykanka in xiligan meelaha ugu waa weyn ee ay ka soo muuqanayso qatarta waxa loogu yeero argagixisada ay tahay wadamada Geeska Afrika & gacanka Carabta.

Saldhigyadan cusub ayaa la sheegay inay noqon doonaan Itoobiya, Djibouti & Seychelles iyadoo la sheegay in weeraradaasi oo loo adeegsan doono diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee wax duqeeya ee loo yaqaan MQ-9 Reaper.

Diyaaradahan ayaa waxay ku egtahay masaafada hawlgalkoodu 3600 mile iyadoo saldhigyadan cusub ay ka dhigan tahay in marka ay geystaan hawlgalada ay dib ugu soo laaban doonaan saldhigyadaasi.

Warar dhanka sirdoonka ayaa sheegaya in duqeymaha bartilmaadka ah ee Mareykanku ka gaysanayo Afgaanistan & Pakistan ay ka dhigi karto Al-Qaacida ay u firxato Galbeedka Afrika gaar ahaan bariga.

Saraakiisha Mareykanka ayaa rumaysan in ay jirto khatar isa soo taraysa oo ku aadan xoogaga Shabaabka oo xiriir la leh Al-qaacida , kuwaasi oo gacanta ku haya badi gobolada Koonfureed ee Soomaaliya.

Geestiisana Ra’isalwasaaraha dawlada KMG Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali ayaa soo dhaweeyey talaabooyinka dawlada Mareykanku ku xoojinayso weerarada dhanka duqeymaha xaga cirka ah, isagoo u waramayey wargeyska Wall Street Journal xili uu magaalada New York kaga qayb galayey shirweynaha qaramada Midoobay.

“Waxaynu leenahay hal ujeedo oo ah in aynu ka ciribtirno argagixisada marka koowaad Soomaaliya, markaasi ka dibna aduunyada inteeda kale” ayuu yiri Cabdiwali Maxamed Cali.

Wadamada laga sheegay in laga hirgalinayo saldhigyadan cusub ayaa siyaabo kala duwan uga hadley, Itoobiya ayaa si diiran u soo dhaweysay qorshaha saldhiga Mareykanku uga dhisanayo, halka dawlada  Seychelles ayaa iyadu sheegtey inay si buuxda u taageerayso in talaabooyinka Mareykanka, balse waxay muujisay in Jasiiradu ay bartilmaameed u noqon doono wax loogu yeeray kooxaha argagixisada.

Hawlgalkan ayaa la sheegay in kooxo quburo dhanka military-ga ah ay saldhigyadaasi ka hagi doonaan diyaaradaha aan duuliye laheyn si ay u geystaan weeraro.

Axmed Aar
SBC Muqdisho
ahmedaar@live.com