Saraakiil ka tirsan Dowlada Mareykanka ayaa sheegay inay wadanka Ethiopia ka sameystay saldhig ay ka kacaan diyaaradaha duuliye la’aanta ah kuwaasi oo ay ku bartilmaameedsan doonan Kooxaha Mayalka adag ee islaamiyiinta ah.

Masuuliyiin ka tirsan Ciidamada Mareykanka ayaa warbaahinta u sheegay in Saldhigan diyaaradaha ee ay ka sameysteen Ethiopia lagu baacsan doono Kooxaha islaamiyiinta ee ka dagaalamaya gudaha wadanka Soomaaliya.

Goobta Ciidamada Mareykanka ay Degi doonan Diyaaradahoooda ayaa waxaa lagu magacaaba  Arba Minch waxaana ay ku taala Duleedka koonfureed ee wadanka Ethiopia waxaana iminka si rasmi u bilowday Shaqada goobtaas.

Saraakiisha Mareykanka ayaa walaac ka qaba in diyaaradaha hada ka dib ka soo kici doona Ethiopia ay noqon doonan Kuwo soo uruurin doona Xogaha iyo dhaqdhaqaaqa Kooxaha islaamiyiinta balse aan noqon doonin kuwo duqeymo geysan kara

Dowlada Mareykanka iyo xulufadeeda ayaa waxaa ay si aad ah u wadaan Dagaalka lagula jiro kooxaha Mayalka adage e ku xiran Alqaacida ee ka dagaalmaya Dalalka Caalamka oo ay soomaaliya ku jirto

Mareykanka waxaa uu malaayiin dollar ku bixiyay sidii uu u sameyn laahaa Diyaarado duuliye la’aan ah iyo sidoo kale Airpor loogu shaqeeyo inay ka kacaan Diyaaradahaas dagaal ee Mareykanku istimaali doono Gudaha Soomaaliya.

Diyaaradaha duuliye la’aanta ah ayaa waxaa ku rakiban inta badan qalab kala duwan oo u badan Camerooyin iyo Gantaalo laga xukumo Saldhigyada ay ka soo kacaaan walo kuwa iminka mareykanka uu ka soo kicinayo Ethiopia aysan geysan doonin wax duqeyn ah sida ay sheegeen Saraakiisha Mareykanka iyaga oo sheegay inay ka taxadarayaa khatarta Ethiopia arintan uga iman karta.

Maxamed Deeq Cabdalla
mdeeq@allsbc.com
SBC International Monitoring