Askari hore oo ka tirsanaa ciidamada amaanka ee Mareykanka gaar ahaan kuwa sirdoonka qaabilsan ayaa lagu maxkamadeynaya gudaha wadanka Mareykanka isaga oo loo haysto eedeymaha inuu ku biiri lahaa Xarkada alshabaab ee Soomaaliya.

Mr. Craig Baxam, oo ah 24 sanno jir ka soo jeeda Mareykanka ayaa waxaa markii ugu horeysay lagu dhageystay dacdwada loo haysto Magaalada Washington isaga oo lagu eedeynayo inuu taageeri dhaqaale u waday Alshabaab.

Maxkamada Mareykanka ayaa soo bandhigatay dukumentiyo cadeynaya in Askarigan mareykanka uu si qarsoodi ah ku galay islamaanka ka dib markii uu tagay koonfurta kuuriya Bartamihii Sannadkii tagey ee 2011.

Mr Baxam waxaa uu magaalada Nairobi gaaray bishii December 2011 isaga oo muhiimadiisu ahay inuu ka talaabo xuduuda wadankaasi u la wadaago Xuduuda soomaaliya waxaana Su’aalo ku weydiiyay gudaha Kenya Saraakiil Kenyan iyo Mareykank iskugu jira ka hor inta aan lagu celin wadanka Mareykanka.

Askarigan Mareykanka waxaa lagu qabtay Lacag uu doonayay inuu u geeyo xarakada alshabaab ee Soomaaliya ka taagalanta taasi oo uu sheegay inuu ku taakuleyn lahaa lacagtaas

Askarigan waxaa Maxkamada lagu soo celin doonaa Maalinta Arbacada ah, hadii danbayadan lagu helo waxaa uu wajihi doonaa Kuxun gaaraya 15 sanno oo xarig ah.

SBC International Monitoring