Xukuumada Washintong ayaa xaqiijisay inay ka xun tahay weerarada qasaaraha nafeed dhalinaya ee Al-shabaab ka geysanayaan gobolka Waqooyi bari Kenya gaar ahaan magaalada Mandera halkasi oo shabaabku ay ku dileen ku dhawaad 14-Qof.

Safiirka Mareynkanka u fadhiya dalka Kenya Robert Godec,ayaa sheegay in Dowladiisa ay sii wadeyso dalabka taageerada ay Kenya kaga caawineyso ka hortaga weerarada kaga yimaada Al-shabaab.

“Anigoo fursadaan ka faa’ideysanaya waxaan tacsi u dirayaa Ehalada dadkoodii ay jeclaayeen kaga geeriyooday weerarkii Mandhera”,ayuu yiri Robert Godec.

Xukuumada Washintong ayaa muhiim ku tilmaantay talaabadii Dowlada Kenya ciidamada ugu soo daad gureysay Soomaaliya si ay u taageeraan howlgalka AMISOM ee loogaga horjeedo ururka Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa weeraro dhowr ah ka geystay gudaha dalka Kenya haba ugu badnaadaanee deegaanada Waqooyi bari ku yaalo,waxaana sabab ugu dhigeen ciidamada Kenya u soo dirtay Soomaaliya.